Liiska Musharixiinta Ugu Cad Cad Xidiga Sanadka Ee Premier League Ugu Fiican Ee La Filayo In Midkood Ku Guulaysan Doono Iyo Liverpool Oo Ugu Badan.

Advertisements

Xili ciyaareedka Premier League ayaa galay qaybtii ugu xamaasada badnayd waxaana hadda ilaa dhamaadka xili ciyaareedka jiri doona waxyaabo kala duwan oo si xoogan loogu tartami doono.

Min koobka Premier League, kabta dahabka dahabka, gool caawinta, kaalmaha sare ee Champions League loogu soo baxayo, kaalmaha looga baxsanayo in heerka labaad loo dhaco ilaa abaal marinta xidiga sanadka ugu fiican ayaa ah waxyaabaha wali loo tartamayo.

Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaaneysa inay hanato horyaalka Premier League iyagoo ku hogaaminaya 16 dhibcood islamarkaana uu weli kulan kale u sii harsan yahay.

Waxaa haatan soo haray in ciyaartoydooda si shaqsi ah loogu aqoonsado gacanta ay ka geysanayaan sida ay u qabsadeen horyaalka Ingariiska.

Virgil van Dijk ayaa si ciriiri ah ku seegay abaalmarinta Ballon d’Or oo uu qaaday Lionel Messi laakiin taasi waa ay isbedeli kartaa sannadkan 2020.

Waxay sidoo kale u muuqataa in ciyaaryahan Liverpool ah uu ku guuleysan doono abaalmarinta xiddiga sannadka horyaalka Premier League ee PFA.

Waa run inay dhif iyo naadir tahay in abaalmarinta uu qaado ciyaaryahan aan horyaalka Premier League ku guuleysanin sidaasi darteed waxay u badan tahay inay abaalmarinta aado dhanka Liverpool.

Xiddigaha Liverpool ayaa ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta PFA Player of the Year.

10ka xiddig ee haatan ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta, kooxda hogaamineysa horyaalka waxay ku leedahay lix ciyaartoy iyadoo Sadio Mane uu hogaaminayo.

Halkan kaga bogo Liiska Xidigaha uu Wargayska Daily Mail u Saadaaliyay in Ay Ugu Cad Cad Yihiin Abaal Marinta Xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican:

1. Sadio Mane

2. Kevin de Bruyne

3. Trent Alexander-Arnold

4. Jordan Henderson

5. Virgil van Dijk

6. Jamie Vardy

7. Raheem Sterling

8. Mo Salah

Advertisements

9. Sergio Aguero

10. Roberto Firmino

Advertisements