Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Kulanka Fulham Oo La Ogaaday- Ayaa Maqan Ayaase Ku Soo Baxay?

Liverpool ayaa booqan doonta kooxda Fulham ee ka dagaalamaysa in ay heerka labaad u dhacdo waxayna Reds haysataa fursada ay kaalinta kowaad ee premier league ugu soo laaban karto maadaama oo ay Man City ku mashquulsan tahay tartanka FA Cupka.

Liverpool ayaa kulanka Fulham iskeenaysa iyada oo wali la faraxsan guushii taariikhiga ahayd ee ay Allianz Arena kaga soo gaadhay kooxda Bayern Munich kaas oo ka caawiyay in ay u soo baxeen siddeed dhamaadka UEFA Champions League.

Laakiin Jurgen Klopp ayaa ciyaartoyda kooxdiisa ka dalbanaya in ay guul kale oo muhiim ah ka soo gaadhaan kulanka Fulham kaas oo ka caawin kara in ay Man City cadaadiska sii saaraan oo ay si ku meel gaadh ah u sii qaban karaan hogaanka Premeir League.

Waxaa la shaaciyay liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Fulham waxaana ka maqan kabtanka Reds ee Jordan Henderson kaas oo dhaawac looga saaray bilawgii kulankii Bayern Munich kadib markii uu dhaawac canqowga ahi soo gaadhay.

Waxa kale oo wali Liverpool ka sii maqnaan doona Joe Gomez iyo Chamberlain oo labaduba hadda haysta fursad fiican oo ay kooxda Klopp ugu ciyaari karaan marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah ee dhawaan la gali doono.

Dejan Lovern ayaa heli kara fursad uu ugu soo laabto shaxda Jurgen Klopp kadib markii uu kaydka ku qornaa kulamadii la soo dhaafay waxayna taasi keeni kartaa in Joel Matip uu kaydka gali karo inkasta oo uu shaqo fiican soo qabtay waqtigii inta ugu badan loo baahnaa.

Naby Keita oo dhaawac ku seegay kulankii Bayern Munich ayaa liiska ciyaartoyda Liverpool ku jira laakiin qiimayn buuxda ayaa lagu samayn doonaa haddii uu ciyaari karo kulanka Fulham.

Fabinho ayay hubaal tahay in uu khadka dhexe ku soo bilaami doono kadib markii uu kaydka ku jiray kulankii Bayern Munich inkasta oo markii uu Henderson dhaawacmay uu wax badan ciyaarta ka badalay.

Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Kulanka Fulham: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Fabinho, Lallana, Salah, Firmino, Mane, Mignolet, Lovren, Moreno, Keita, Milner, Sturridge, Shaqiri, Origi