Liiska 100-Shaqsi Ee Sportska Aduunka Ugu Dakhliga Badan Sanadkan 2019 Oo Si Dhamaystiran loogu Dhawaaqay & Xidig Fashil Ah Oo Premier League Safka Hore Kaga Jira.

Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay majalada caanka ah ee Forbes ayaa ku dhawaaqday liiska shaqsiyaada sportska aduunka ugu dakhliga badan sanadkan 2019 waxaana kaalinta kowaad si layaableh ugu soo baxay Lionel Messi halka Ronaldo iyo Neymar jr ay kaalinta labaad iyo saddexaad buuxiyeen.

Kadib markii ay sanado badan kaalmaha hore ku soo dhibtoonayeen ciyaartoyda kubbada cagta aduunku, waxay markan arkeen iyada oo saddex xidig oo kubbada cagta ahi ay Sportska aduunka hogaanka u qabteen.

Lionel Messi ayaa kaalinta kowaad ugu jira 127 milyan dollar oo u dhiganta 99.8 milyan gini halka Cristiano Ronaldo uu kaalinta labaad ugu jiro 109 milyan dollar oo u dhiganta £85.6 milyan gini.

Laakiin liiska 100 ka shaqsi ee sportska aduunka ugu dakhliga badan sanadkan 2019 waxaa ku soo baxay shaqsiyaad magac wayn leh oo ka kala tirsan ciyaaraha kala duwan ee aduunka.

Pual Pogba ayaa noqday xidiga Premier league ugu dakhliga badan sanadkan 2019 isaga oo dakhligiisan sanadkan lagu qiyaasay 25.9 milyan gini.

Laakiin xidiga ay isku kooxda Man United yihiin ee Alexis Sanchez oo si buuxda u soo fashilmay ayaa liiskan ugu jira in uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu dakhliga badan sportska caalamka waxaana dakhligiisa sanadkan lagu sheegay £24.2 milyan gini.

Sanchez waxa uu ku jiraa kaalinta 53 aad ee shaqsiyaadka ugu dakhliga badan sportska caalamka sanadkan waxaana premier league kaga horeeya pual Pogba oo kaliya.

Mesut Ozil ayaa kaalinta 57 aad ugu jira in dakhligiisa sanadkan 2019 uu yahay £23.7 milyan gini halka Mohamed Salah uu kaalinta 99 aad ugu jiro in uu sanadkan dakhligiisu yahay £19.7 milyan gini.

Liiska Tobanka Shaqsi Ee Sanadkan 2019 Ugu dakhliga badan sportska Caalamka (Lacagtu waa Pound-ka UK)

10. Kevin Durant (NBA) – £53.1m

9. Stephen Curry (NBA) – £62.7m

8. LeBron James (NBA) – £69.9m

7. Aaron Rodgers (NFL) – £70.1m

6. Russell Wilson (NFL) – £70.3m

5. Roger Federer (Tennis) – £73.3m

4. Canelo Alvarez (Boxing) – £73.8m

3. Neymar (Football) – £82.5m

2. Cristiano Ronaldo (Football) – £85.6m

1. Lionel Messi (Football) – £99.8m

Liiska Shaqsiyaadka Magaca Wayn Leh Ee Ku Soo Baxay 100 Shaqsi Ee Sportska Caalamka ugu dakhliga Badan sanadkan 2019

11. Tiger Woods (Golf) – £50.2m

13. Lewis Hamilton (F1) – £43.2m

=Anthon Joshua (Boxing) – £43.2m

21. Conor McGregor (UFC) – £36.9m

32. Rory McIlroy (Golf) – £30.6m

44. Paul Pogba (Football) – £25.9m

46. Andres Iniesta (Football) – £25.5m

53. Alexis Sanchez (Football) – £24.2m

55. Kylian Mbappe (Football) – £24m

56. Deontay Wilder (Boxing) – £24m

57. Mesut Ozil (Football) – £23.7m

63. Serena Williams (Tennis) – £22.9m

66. Oscar (Football) – £22.8m

75. Antoine Griezmann (Football) – £21.7m

79. Gareth Bale (Football) – £21.3m

99. Mohamed Salah (Football) – £19.7m