Lazio Oo Go’aamisay Xiliga Ay Dooneyso Inay Iibiso Xidigeeda Reer Serbia Sergej Milinković-Savić, & Kooxda Real Madrid Oo Isha Ku Haysa Laacibkan.

Laacibka khadka dhexe reer Serbia iyo kooxda Lazio Sergej Milinković-Savić ayaa la filayaa inuu noqon doono hadal heynta ugu badan xiliyada soo aadan ee suuqa kala iibsiga, kadib markii ay soo bateen liiska kooxaha doonaya adeegiisa.

Kooxda Manchester United ayaa isaga hartay liiska musharaxiinta kooxaha doonaya adeega laacibka khadka dhexe reer Serbia iyo kooxda Lazio Sergej Milinković-Savić, waxaana loolanka loogu jiro laacibkan haatan isugu soo haray kooxaha kala ah Real Madrid, Milan iyo Juventus.

Wargeyska “la Repubblica” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Lazio ay waqti u qabatay wakiilada laacibka, waxaana looga digay inaysan ogolaanin wax dalab ah ilaa iyo maalinta Axada ee soo aadan.

Kooxo  ka dhisan qaarada yurub ayaa wada doonaya saxiixa Laacibka khadka dhexe reer Serbia iyo kooxda Lazio Sergej Milinković, lakiin madaxweynaha kooxda Lazio Claudio Lotito ayaa dalbanaya qiimo dhan 120 ilaa iyo 130 milyan oo euros hadiiba uu fasaxayo lacibkan.

Claudio Lotito ayaa wareysi uu horey u bixiyay wuxuu ku sheegay in Milinković uu ka fiican yahay xidiga khadka dhexe reer France ee Paul Pogba, sidaas darteed waa in heshiiskiisa uu noqdaa mid ka qaalisan qiimaha uu ugu wareegay Pogba kooxda Manchester United ee gaarsiisnaa 105 milyan euro.

Laacibka khadka dhexe reer Serbia iyo kooxda Lazio Sergej Milinković, ayaa diirada u saaran kooxo dhowr ah sababa la xidhiidha qaab ciyaareedka wanaagsan uu sameeyay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.