LAYAAB: Rekoodh Jabinta Lionel Messi Oo Heer Kale Gaadhay Xilli Uu Kabtanka Barcelona Rekoodh Uusan Isaga Qudhiisu Ogayn Ku Garaacay Cristiano Ronaldo.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa u muuqda mid heer kale gaadhsiiyay rekoodh jabiska uu caanka ku ahaa sanadihii ugu dambeeyay kaddib rekoodh kale oo uusan qudhiisu ka warqabin oo uu ku dhaafay xiddiga ay xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Rekoodhkan ayaa ah mid uu Messi ka dhigay dhinaca gool dhalinta tartanka UEFA Champions League gaar ahaan heerka Group-yada, Rekoodhkan ayaa lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee rasmiga ah ee UCL.

Xiddiga Barcelona ayaa heerka Group-yada ee Champions League kasoo dhaliyay goolal guud ahaaneed oo dhan 65 gool waxaana uu afar gool ka sarre maray Cristiano Ronaldo oo rekoodhkan ay u wadaagayeen.

Booska kaalinta saddexaad ayaa ah mid uu soo galay Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema oo 43 gool leh waxaana soo raaca Ruud Van NistelRooy oo mudo hore ka hawl gabay dheelista kubadda cagta.

Saddexleydii goolasha ahayd ee uu Messi ka dhaliyay PSV kulankii furitaanka ee heerka Group-yada iyo labadii gool ee uu ka dhaliyay Tottenham ayaa ah kuwo rekoodhkan u sahlay iyadoo ay xusid mudantahay inuusan hal daqiiqo ka ciyaarin labadii kulan ee Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, Messi oo haatan dhaawac gacanta kasoo gaadhay kaga maqan kooxdiisa ayaa dhawaan kusoo laabtay tababarka waxaana la filayaa inuu qayb ka qaadan doono kulanka toddobaadkan ee Real Betis.