LAYAAB: Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd Ee Andy Cole & Teddy Sheringham Ayna Hal Kalmad Waligood Iskugu Odhan Iyaga Oo Sanado Badan Man United Ka Wada Tirsanaa? Sheeko Xiiso Badan.

Inta badan waxaa la arkaa ciyaartoy kooxo colaadi ka dhexayso ka tirsan oo uu xifiltan wayni ka dhexeeyo isla markaana ma aha in colaad wayni ay dhex marto laakiin in colaad iyo xurguf aan qiyaas lahayni ay dhex marto laba xidig oo sanado badan ka soo wada ciyaaray hal koox ayaa ah wax qariib ah oo aan inta badan lagu arag saaxada kubbada cagta.

Andy Cole iyo Teddy Sheringham waxay sanado badan ka soo wada ciyaareen kooxda Manchester United iyo waliba xulka qaranka England laakiin waxaa si aan qarsoodi ahayn loo ogaa colaad wayn oo labadan nin u dhexaysay laakiin waxaa ugu danbayn banaanka u soo baxday faah faahin dhamaystiran oo la xidhiidha necebaybkii labadan xidig.

Andy Cole iyo Teddy Sheringham ayaa wada dabaal degi jiray marka ay Manchester United ama England goolal u dhaliyaan laakiin waxa uu Cole shaaca ka qaaday in aanu waligii kalmad hadal ah ku odhan Teddy Sheringham wuxuuna sharaxay sababta colaadan keentay iyo halkii ay ka bilaabantay.

Andy Cole ayaa sheegay in colaadii ka dhexaysay Teddy Sheringham ay ka soo bilaaban tahay sanadkii 1995 kii markii uu safanayay kulankiisii ugu horeeyay ee xulka qaranka England markaas oo Sheringham ciyaarta laga soo saaray isla markaana lagu badalay Cole oo kulankiisii ugu horeeyay saftay.

Teddy Sheringham ayaa iska indho tiray isla markaana xataa gacan qaadi waayay Andy Cole oo kulankiisii ugu horeeyay u safanayay England balse wixii dhacay aan ku soo qaadano qoraalka hadalka Andy Cole  uu sharaxaad ka bixiyay.

Andy Cole oo goobtii ay colaada Sheringham ka soo bilaabantahay ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan ku soo dhaqaaqay garoonka, waxaana daawanayay 60,000 kun , waxaa soo baxayay Sheringhm, waxaan isaga ka filayay gacan qaad kooban” nasiib wanaagsan Coley” waxla mid ah. Waxaan diyaar u ahaa in aan gacan qaado, wuu iska kay dhaafay”.

Andy Cole oo sharaxaadiisa sii wata ayaa yidhi: “Si cadaan ah ayuu iskaga kay dhaafay iyada oo ayna jirin sabab ilaa kadib aanan ogayn. Wuu iska socday. Anigu xataa ninka maan garanayn, sidaa daraadeed wax dhibaato ah aniga igamuu tirsanayn, waxaanu ahayn saaxiibo ciyaartoyda England ah, waxay ahayd kulankaygii ugu hroeeyay wuuna iska kay dhaafay”.

Intaa kadib maxaa dhacay?.  Andy Cole oo sheekadan xiisaha badan sii sharaxaya ayaa yidhi: “Waad garan kartaa waxa uu fikirkaygu markiiba noqon karayay?, Imisa qof ayaa hadda arkayay Teddy Sheringham oo taas aniga igu samaynaya? waan ceeboobay , waan jaho wareeray. Laga bilaabo waqtigaasm waxaan ogaaday in aanu Sheringham aniga ii ahayn”.

Laakiin markii ay waxani dhaceen  Andy Cole iyo Teddy Sheringham waxaa kulminayay xulka qaranka England oo kaliya laakiin xagaagii 1997 kii Man United ayaa Tottenham kala soo wareegtay Sheringham waxayna Old Trafford iskugu keentay lada nin colaada xumi ka dhexaysay.

Andy Cole oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Laba sanadood kadib, xaggaagii 1997 kii kadib markii uu Eric Cantona ka baxay United, waxaa yimid SHeringhm. Sanado ayaanu wada jir  u ciyaarnay, goolal badan ayaanu soo wada dhalinay. Anigu waligay hal kalmad isaga kulamaan hadlin!”.

Andy Cole ayaa soo qaatay hadal uu xidigii Man United ay ka wada tirsanaayeen ee  Gary Pallister uu isaga u sheegay wuxuuna yidhi: ”  Gary Pallister waxa uu mar ii sheegay: “Waan ogahay in aanad la hadlin Teddy isla markaana aanu isaguna adiga kula hadal, laakiin ugu yaraan si fiican ayaad wada jirin ugu ciyartaan”.

Sanadkii 2001 kii ayay Andy Cole iyo Teddy Sheringham ka baxeen Man United iyaga oo kooxda kula soo guulaystay koobab ay ka mid ahaayeen Premier league iyo Champions League.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xidigii hore ee kooxda Liverpool ee Neil Ruddock uu shaaciyay in uu si ula kac ah u jabiyay Andy Cole sanadkii 1996 kii maadaama oo uu ugu cadhaysnaa in uu colaad kula jiray Sheringh am oo ay saaxiibo ahaayeen. Isla warkaas halkan ka akhriso.

Maan Doonayn In Aan Andy Cole Labada Lugoodba Ka Jabiyo, Hal Mid In Aan Ka Jabiyo Ayaan Doonayay-Colaadii Liverpool iyo Man United Oo Xidig Qirasho Wayn Ka Sameeyay.