LAYAAB: Maamulka Manchester United Oo Markale Cadho Gelin Kara Jamaahiirta Kooxdaas & Xiddig Kooxda Laga Jecelyahay Oo Kaliya SADDEX Milyan Lagu Iibsan Karo.

Maamulka kooxda Manchester United ayay suurogaltahay inay markale si weyn uga cadhaysiiyaan jamaahiirta kooxdooda haddiiba ay xiddiga khadka dhexe ee Ander Herrera si degdeg ah go’aan uga gaadhi waayaan dhibaatada uu ku marayo kooxda.

Jamaahiirta kooxda Man United ayaa ah kuwo aan marnaba dhimin xiisaha iyo jacaylka ay u qabaan Herrera oo ay mar filanayeen inuu kooxda Kabtan ka noqon doono kahor intii uusan Jose Mourinho kusriga keydka saaxiib uga dhigin.

Wargeyska The Sun ayaa daaha ka qaaday sheeko layaab ku noqotay jamaahiirta Red Devils kaddib markii ay shaaciyeen in 29 jirkan ree Spain uu kaliya saddex Milyan ku faarujin karo Old Trafford suuqyada soo socda.

Herrera ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiska uu kula jiro kooxdiisa waxaana suuqa jiilaalka ee bisha January uu fursad u heystaa inuu la xaajoodo kooxaha qalaad ee ka baxsan gudaha dalka England.

Man United ayaa ikhtiyaar uleh inay qandaraaska xiddigan ku kordhiso hal sano oo kale balse mudo kordhin kale ayaan u muuqan wax dhacaysa maadaama oo aan lasooba hadalqaadin.

Haddiiba ay rumawdo arrintani isla markaana ay Man United saddex Milyan ku fasaxdo Ander Herrera suuqa January ayay hoos u dhac ku noqon doontaa kooxda maadaama oo ay hore ugula soo wareegeen xiddigan 32 Milyan oo ah lacag aad uga badan mida lagu qiimaynayo haatan.