LAYAAB! Lixdan Kalmadood Markii Uu Mesut Ozil U Sheegay Unai Emery Ayay Arsenal Go’aan Ku Gaadhay In Ay Iska Iibiso.

Mustaqbalka xidiga reer Germany ee Mesut Ozil ee kooxdiisa Arsenal ayuu mugdi wayni sii galay kadib markii ay Gunners go’aan ku gaadhay in ay xagaagan iska iibiso. Mesut Ozil ayaa xagaagan la iibin doonaa haddii ay Arsenal hesho koox ay heshiis la gaadhi karto.

Maamulka Arsenal ayaa ka murugaysan heshiiskii cusbaa ee ay Mesut Ozil ka saxiixdeen sanadkii 2018 kii kadib markii uu waqti dheer diidanaa in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo laakiin bixitaankii Sanchez ayaa sabab u noqday in la ogolaaday wixii uu Ozil doonayay.

Laakiin xidhiidhka Mesut Ozil iyo Unai Emery ayaa xili ciyaareedka oo dhan ahaa mid aad u liitay iyada oo xataa mararka qaar ay dhacday in Emery uu gabi ahaanba liiska kooxdiisa ka reebayay Ozil oo taam buuxa ah.

Laakiin waxaa soo baxay war kale oo sheegaya in Mesut Ozil uu kadib finalkii Europa League uu lix kalmood ku tuuray Unai Emery taas oo sabab u noqonaysa in ay Gunners suuqa xagaagan ka iibiso Ozil.

Unai Emery ayaa Mesut Ozil badal ku saaray daqiiqadii 78 aad ee finalkii Europa League ee ay Chelsea badilaada u gaysatay Arsenal wuxuuna ciyaarta Emery soo galiyay da’yarka Joe Willock.

Laakiin Daily Express ayaa shaaciyay erayadii uu Mesut Ozil cadhada ugula dhacay Emery kuwaas oo ahaa lixdan kalmood ee luuqada Ingiriisiga sidan ugu dhignaa “I swear, you’re not a coach” waxayna la micno yihiin: “Waxaan ku dhaartay in aanad tababare ahayn”.

Mesut Ozil oo xidigaha kooxdiisa Arsenal kala mid ahaa niyadjabkii ay kala kulmeen finalkii Europa League ee Chelsea ayaa markale kulan wayn ku dhex muuqbeelay taas oo keentay in ay hadda Arsenal diyaar u tahay in la iibiyo.

Kadib finalkii Europa league ayay jamaahiirta Arsenal dalbadeen in Mesut Ozil la iibiyo inkasta oo ay waqti dheer soo difacaayeen, laakiin wakiilka Ozil ayaa ku adkaystay in xidiga reer Germany uu sii joogi doono Emirates Stadium si uu u dhamaysto heshiiskiisa labada sanadood ka hadhsan yihiin.

Mesut Ozil ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka qaalisan horyaalka Premier League isaga oo todobaadkiiba mushaar ahaan Arsenal uga qaata £350,000 kun oo gini taas oo xanuun wayn ku haysa maamulka Gunners.

Si kastaba ha ahaatee, kalmadaha uu sida cadhada leh Ozil ugu yidhi Emery ayaa sii xumaynaya xidhiidhkoodii aan markii horeba lugaha adag ku taagnayn wuxuuna hadda ka mid yahay ciyaartoyda loo diyaarinayo in la iibiyo.