LAYAAB: Daafaca Kooxda Liverpool Ee Virgil Van Dijk Oo Kooxdiisa U Tilmaamay Hal Koox Oo Ay Dhacdo Foolxun Kaga Daydaan.

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa kooxdiisa usoo jeediyay talo layaab leh kaddib markii uu u sheegay inay ku daydaan kooxda Paris Saint-Germain oo ay toddobaadkan wada ciyaareen iyo dhacdada uu u tilmaamay inay ka eegtaan PSG oo ku fajac gelinaysa.

Iyadoo Jurgen Klopp uu kooxda ree France ku eedeeyay inay u ekaysiiyeen xiddigihiisa shaqsiyaad hilibka iibiya maadaama oo ay qalad kasta dhulka isku tuurayeen haddana Van Dijk ayaa aaminsan inay dhacdada is tuuristu tahay mid ay u baahan yihiin inay kaga daydaan PSG.

VVD ayaa sheegay in xiddigaha PSG ay markasta oo ay Reds qalad galaan u imanayeen garsoorka iyaga oo ku qak-qaalinayay inuu kaadh huruud ah bixiyo isla markaana iyagu si fudud dhulka ku gaadhay marka ay qalad la kulmaan.

Van Dijk ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Sida muuqata, Iyagu waa ciyaartoy heer caalami ah balse waxaan filayaa inaan midaas looga baahnayn kulanka wakhtiyada qaar, Marar badan waxa ay la kulmayeen qalad iyaga dhulka ku dhacayay wakhtiyada qaar waxa ay ahayd qalad aad u fudud, Waan niyad jabsanahay”

“Waa muhiim inaan madaxeena dajino laakiin markasta oo aan qalad samayno waxa ay u tagayeen garsooraha iyaga oo isku dayayay inaan kaadh hurdi ah qaadano, Waa inaanu sidaas si lamid ah samayno wakhtiyada qaar, Waxaan filayaa inaan qaybtii dambe si fiican u ciyaarnay”

Liverpool ayaa toddobaadkan soo dhawaynaysa kooxda Everton kulanka Merseyside Derby, Intaa kaddib waxa ay laba kulan oo ay marti noqon doonaan la yeelanayaan Burnley iyo Bournemouth kahor kulanka muhiimka ah ee ay la yeelan doonaan Napoli kaas oo ah kulan go’aamin doona kooxda ka baxaysa Group-ka.