LAYAAB: Barcelona Waxba Maaha La’aanta Lionel Messi !!, Halkan Kaga Boggo Xogta Qalbi Jabka Leh Ee Blaugrana Looga Ururiyey Champions League Kulamada Ay Camp Nou Ka Baxsan Tahay.

Kooxda Barcelona dabcan waa mid kamid ah kooxaha ugu tayada wacan guud ahaan qaarada Yurub balse xogtii ugu dambeysay ee laga helayo kulamadii u dambeeyay ee ay martida noqotay ayaa ah mid gabi ahaanba qalbi jabineysa jamaahiirta kooxdaas.

Kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ayaa ah xiddiga sida weyn dhabarka ugu ritay masuuliyada kooxda ee kulamada ay martida tahay sida laga dhex akhrisan karo xogtii ugu dambeysay ee laga helay kulamadaas kahor kulanka ay kooxdu martiyi doonto Tottenham.

Maaha wax qarsoon in Lionel Messi uu yahay xiddiga ugu muhiimsan ee kooxda Ernesto Valverde balse sheekada layaabka leh ayaa ah inuu yahay xiddiga KALIYA ee shabaqa soo taabtay kulamada ay Barcelona martida tahay ee Champions League LABADII SANO EE UGU DAMBEEYAY.

Tan iyo markii uu Gerrard Pique gaadhay shabaqa  Borussia Monchengladbach sanadkii 2016, Intaa kaddib kaliya  Messi ayaa ahaa xiddiga ay sida waalida ah ugu tiirsan tahay kooxdu isla markaana ay goolal ka sugto marka ay ku ciyaareyso meel ka baxsan Camp Nou.

Rekoodhkan ayaa soo baxay wakhti ay dhawaan kooxdu kulan weyn marti ku noqon doonto gegida Wembley Stadium iyaga oo halkaas u tegi doona si ay ula soo dheelaan kooxda Tottenham oo iyadu guuldaro ku bilaabatay Champions League xilli ciyaareedkan cusub.

Jamaahiirta kooxda ayaa u baahnaan doona inay arkaan kooxdooda oo ugu horreyn ka baxda natiijo xumadii soo wajahday kulamadii ugu dambeeyay sidoo kalena ay xiddigaha kale ee kooxdu caawimo siiyaan Messi maadaama oo aysan kaligiis ku tiirsanaan karin.