“Lautaro Martinez Waxa U Wanaagsan Inuu Inter Iska Joogo Halkii Uu Keyd Ka Noqon Lahaa Barcelona, Erling Haaland Liverpool Ayuu Kusoo Baxayaa!!”

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka England ee Fabio Capello ayaa ka hadlay weeraryahanada haatan dunida kubadda cagta usoo baxaya ee Erling Braut Haaland iyo Lautaro Martinez iyo waliba xaaladahooga suuqa.

Aan ku bilawnee Capello ayaa sheegay in gool dhaliyaha Inter Milan ee Lautaro Martinez uu yahay weeraryahan wanaagsan laakiin ay u fiican tahay inuu iska joogo Inter halkii uu kursiga keydka u gali lahaa Luis Suarez oo Barcelona oo xiisaynaysa ku sugan.

Capello ayaa isaga oo u warramayay El Larguero amaan ku bilaabay hadalkiisa oo yidhi “Lautaro Martinez waa ciyaaryahan aad u wanaagsan”

“Isagu waxa uu leeyahay waxkasta, tayo aad u badan, dhaq-dhaqaaqyo aad u xawaare dheeraynaya sidoo kale aad ayuu u wanaagsan yahay marka uu kubadda ku laago goolka”

“Inuu tago Barcelona oo uu shaxda kula soo bilawdo Luis Suarez, halkaas adayg ayaa ka jira, waxaan filayaa inaad Inter shaxdeeda kusoo bilaabato ayaa ka wanaagsan inaad bedel ka noqoto Barcelona”

Dhinaca kale Capello ayaa sheegay in Haaland oo Dortmund ka tirsani aanu lahayn farsamo badan balse uu leeyahay awood cajiib ah isla markaana kooxda uu ku haboonaan lahaa ay tahay Liverpool maadaama oo ay leedahay laba garab weerar oo wanaagsan.

Tababaraha ree Talyaani ayaa markale yidhi “(Haaland) waa mid awood badan si wanaagsan ayuuna u dhaqaaqaa marka loo eego ciyaartoy dhererkiisa oo kale leh”

“Isaga waxa ka maqan wax yar oo farsamo ah laakiin waxa uu leeyahay xawaare weyn iyo aragti uu goolka u leeyahay, marka loo eego jidhkiisa way adagtahay in la joojiyo”

“Waxaan filayaa inuu kusoo bixi karo Premier League iyo koox sida Liverpool ah oo leh Salah iyo Mane”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook