Lampard Oo Hoos U Dhigay Rajada Ay Sanadan Chelsea Ka Qabi Karto Ku Guuleysiga Premier League-ga. & Halyeeygan Oo Tilmaamay Kooxda Uu U Arko Inay Guuleysan Karto.

Halyeyga ree England iyo kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa aaminsan in xili ciyaareedkan horyaalka Premier League-ga uu u dhamaan doono dhanka kooxda Manchester City, sababo la xidhiidhan bandhigooda wanaagsan iyo awoodooda ciyaareed ay soo bandhigeen sanadan.

Manchester City ayaa xili ciyaareedkan ku hogaamineysa dhanka kala sareynta horyaalka Premier League-ga 31 dhibcood, waxayna 8 dhibcood nadiif ah ay ka sareysaa kooxda ku soo xigta Manchester United iyo Tottenham Hotspur.

Laacibkii hore kooxda Blues ayaa wuxuu xaqiijiyay in koobka Premier League-ga uusan ka bixi doonin gacmaha kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ee Manchester City wuxuuna yidhi: “Koobka wuxuu ugu dambeyn noqon doonaa Nasiibka Manchester City, taas ayaana ah waxa aan haatan dhamaantayada ka dhawaajineyno”.

Frank Lampard ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Uma Maleenayo in nasiibka Premier League-ga uu ahaan doono dhamaadka xili ciyaareedka koox kale, waxaa jira dad ilaa iyo haatan ku doodaya in tartanka uu wali u furan yahay kooxaha kale, laakiin hadii aan runta ka hadlo anigu sidaas maqabo mana aaminsani”.

Lampard ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay ka hadalka qaab ciyaareedka wanaagsan ay qaadaneyso kooxda Sky Blues wuxuuna yidhi: “Waxaa wax wanaagsan ah inaan aragno koox u ciyaareysa sida aan dhamaantayada wada aragno, waxay rajadeenu tahay inaan wada daawano kubada cagta ee aad u qurux badan, waana arin aad u wanaagsan in qof walbo uu sanadan daawado qaab ciyaareedka wanaagsan ee Manchester City hadii uu yahay taageere kooxda iyo hadii kale intaba”.

Comments

comments