LAMA FILAAN: Jamaahiirta Chelsea Oo Codbixin Ku Go’aamiyay Tababaraha Ay Kooxdooda Ka Doonayaan- Zidane, Lampard, Mourinho Mise In Sarri Sii Joogo?

Kooxda Chelsea ayaa xaalad xun ku soo jirtay muddoyinkii ugu danbeeyay waxaana isku raacay guuldarooyin waa wayn oo ay Maurizio Sarri uu shaqadiisa Stamford Bridge ku waayi karo. Saraakiisha sare ee Chelsea ayaa shalay kulan la qaatay Sarri si ay mustaqbalkiisa Blues ugala hadlaan waxaana laga cabsi qabaa in shaqada laga caydhiyo.

Haddaba codbixin laga qaaday taageerayaasha Chelsea ayay ka soo dhex baxday tababaraha ay doonayaan in uu kooxdooda qabto. Liiska tababarayaasha codbixintan loo qaaday waxay ka koobnaayeen Zinedine Zidane, Frank Lampard , Jose Mourinho iyo Maurizio Sarri laakiin codka taageerayashii Blues ayaa noqday mid lama filaan ah.

Codbixinta ayaa xidhantay markii ay ka qayb qaateen 6,823  kun oo taageerayaasha Chelsea ahi laakiin boqolkiiba 37% ka mid ah ayaa u codeeyay in Jose Mourinho dib loogu magacaabo Stamford Bridge maadama oo uu isna hadda bilaa koox yahay kadib markii shaqada Man United laga caydhiyay.

Laakiin sidoo kale waxaa lama filaan noqotay in jamaahiirta Chelsea ee codbixintan ka qayb qaatay ay boqolkiiba 28% kaliyi u codeeyeen in Zinedine Zidane uu badalo Maurizio Sarri taas oo dad badan lama filaan ku noqonaysa maadaama oo Zidane si xoogan loola xidhiidhinayo shaqada Stamford Bridge balse codka uu helay ayaa aad uga hooseeya heerkii laga filayay.

Zinedine Zidane ayaa helay cod ka hooseeya inta uu Jose Mourinho codbixintan ka helay halkaFrank Lampard uu codbixintan ka hela boqolkiiba 25%.

Laakiin Sarri ayaa loo muujiyay sida looga nacay Chelsea wuxuuna helay boqolkiiba 10% ka mid ah codbixintii jamaahiirta Chelsea ee ka qayb qaatan codbixintan waxayna u muujiyeen in hadda ayna kalsooni ku qaban boqolkiiba 90% ka mid ah taageerayasha Chelsea.

Qaabkii Codbixintu U Dhacday.

1- Jose Mourinho -Boqolkiiba 37%

2- Zinedine Zidane  -Boqolkiiba 28%

Frank Lampard  -Boqolkiiba 25%

Maurizio Sarri  -Boqolkiiba 10%

Inkasta oo xidhiidhka Jose Mourinho iyo jamaahiirta Chelsea uu halkii ugu hoosaysay gaadhay intii uu Man United joogay, haddana wali taageerayaasha Chelsea ayaa aaminsan in Jose Mourinho uu markii saddexaad kooxdooda qabto.

Haddaba akhriste, adigu haddii aad tahay taageere Chelsea ah, miyaad codbixintan ku qanacsan tahay oo Jose Mourinho la jeclaan lahayd in uu kooxda ku soo laabto?.

1 Comment

Comments are closed.