Maaha Paul Pogba & Bruno Fernandes!! – Daafaca Man United Ee Lindelof Oo Xiddig Lama Filaan Ah U Xushay Midka Ugu Wacan Ee Uu La Ciyaaray

Daafaca dhexe ee kooxda Manchester United ee Victor Lindelof ayaa doortay xiddiga ugu fiican ee ay abid koox soo wadaageen xilli uu doortay ciyaaryahan ay muddooyin bilo kooban ah iskaga soo garab ciyaareen United.

Shaqsiga uu doortay ayaa ah Zlatan Ibrahimovic oo ay Sweden kasoo wada jeedaan, dabcan Zlatan ayaa ah mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan jiilkiisa balse arrinta qariibka ka dhigtay doorashadan ayaa ah inay mudo kooban iska garab ciyaareen.

Zlatan Ibrahimovic reveals advice given to Victor Lindelof at ...

Lindelof iyo Ibrahimovic ayaa hore mudo kooban uga soo wada ciyaaray xulka qaranka Sweden kaddib markii uu Lindelof xulka soo galay bishii March ee 2016 oo ah kaliya saddex bilood kahor intii uusan Ibra ka fadhiisan kubadda cagta heer qaran.

Victor Lindelof ayaa dib ula midoobay Zlatan suuqii xagaaga ee 2017 iyagoo ka wada tirsanaa Manchester United kahor intii uusan 38 sano jirka AC Milan ee haatan u dhaqaaqin bishii March dhinaca kooxda ree Maraykan ee LA Galaxy.

“Waxaan la ciyaaray ciyaartoy dhawr ah oo dhab ahaan wanaagsan, laakiin haddii ay tahay inaan mid doorto waxaan dooranayaa Zlatan” ayuu yidhi Lindelof oo u warramayay bogga rasmiga ah ee Man United.

“Waxaan filayaa inuu isagu yahay ciyaaryahan weyn waxaanan helay fursada aan isaga kagala ciyaarayo xulka qaranka iyo sidoo kale United, isagu waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan”

Dhinaca kale Victor ayaa amaanay kabtanka kooxdiisa ee Harry Maguire oo kusoo biiray Red Devils xagaagii 2019 isla markaana ay si wadajir ah booska daafaca dhexe uga soo wada ciyaarayeen.

“Waxay ahayd wax cajiib ah inaan la ciyaaro Harry in badan xilli ciyaareedkan, aad ayay muhiim u tahay in kulamo badan la wada ciyaaro in badan ayuu midkiinba ka kale ka baranayaa”

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook