Lacazette, Muller, Stones & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Talaado Ah

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Advertisements

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo ayaa furan iyadoo kooxaha ay baadigoob ugu jiraan xiddigihii ay isku sii adkeyn lahaayeen qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Sida aad uga barateen shabakada Laacib waxay idiin soo gudbineysaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay qoreen warbaahinta Yurub. Waxaan caawa oo Isniin ah idiin soo gudbineynaa heshiisyada la dhameystiray caawa iyo wararkii ay qoreen warbaahinta Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa quuldareynaya inuu isku dayo saxiixa John Stones oo 25-jir ah, waliba qaab amaah ah. (The Sun)

Christian Eriksen oo 27-jir ah ayaa qarka u saaran inuu isaga tago Spurs kadib markii uu heshiis hordhac ah la gaaray Inter Milan, wuxuuna todobaadkii qaadan doonaa 100,000 kun oo Pound kadib canshuurta. (Times)

Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ayaa laga yaabaa inuu 20-sano kadib isaga tago gobolka Bavaria, Man United ayaana diyaar u ah iney 30-jirkaan la wareegto xagaaga. (The Sun).

Atletico Madrid ayaa go’aamisay iney u dhaqaaqi doonto Alexandre Lacazette oo 28-jir ah hadii ay ku fashilmaan 32-jirka PSG ka tirsan ee Edinson Cavani. (Express)

Kooxda Liverpool ayaa iska diiday iney dhigeeda As Roma amaah ku siiso Xherdan Shaqiri oo 28-jir ah. (Star)

Jose Mourinho ayaa kala dooranaya laba weeraryahan uu ku badalo Harry Kane oo dhaawac kaga maqnaan doona inta ka dhiman fasalkaan, Krzysztof Piatek oo 24-jir ah, Fernando Llorente oo 34-jir ah iyo Christian Benteke oo 29-jir ah ayuu isha ku hayaa. (Independent)

Advertisements

Liverpool ayaa u bandhigtay dhigeeda Trabzonspor adduun dhan 15 Malyan oo Pound si ay uga qaadato 23-jirka goolka u qabta Ugurcan Cakir. (Sport Witness)

Advertisements