Lacagaha Ay Maamulka Arsenal U Qorsheeyeen Suuqa Xagaaga Dambe Oo La Ogaaday & Jamaahiirta Gunners Oo Aan Ku Farxi Doonin.

Wargeyska The Telegraph oo kamid ah wargeysyada ree England kuwooda ugu afka dheer ayaa markan si sir ah daaha uga qaaday lacagaha ay maamulka kooxda Arsenal u qorsheeyeen inay kooxdooda kusoo xoojiyaan suuqa xagaaga dambe.

Arsenal ayaa kaddib bilow gaabis ah oo ay ku bilaabatay horyaalka hadana qaab cajiib ah uga soo kabatay waxaana ay haatan soo gaadheen sagaal guulood oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Kooxda ree London ayay mudoyinkii ugu dambeeyay ka dhaceen isbedelo dhawr ah, Waxa kooxda ka baxay tababare Arsene Wenger oo mudo 22 sano ah kasoo talinayay kooxda, Agaasimihii ciyaaraha ee Ivan Gazidis oo Milan ku biiray iyo waliba Stan Kroenke oo lawada wareegay dhammaan saamiga kooxda.

Maamulka ugu sarreeya ee Gunners ayaa sanadihii ugu dambeeyay caan ku ahaa shir sanadle ah oo ay ku go’aamiyaan lacagaha ay kooxdu kharash garayn doonto balse in Kroenke uu leeyahay saamiga kooxda oo dhan ayaa ah inuu go’aan shaqsi ah qaatay.

Waxaa intaa dheer in kooxdu ay gudaha sanadkan samaysay kharashaad kale iyo mushahaar kordhin midii hore ka badan, Heshiiskii cusbaa ee Mesut Ozil iyo saxeexa Aubameyang ayaa si weyn kor ugu mushahaarkii ay hore u bixin jirtay kooxdu.

Kaddib kordhinta mushahaarka The Telegraph ayaa sheegaysa in jamaahiirta Gunners ay fishaan in kooxdoodu ay kaliya 40 Milyan ku qarash garaso suuqa xagaaga dambe taas oo war xun u ah dhammaanba shaqsiyadka ku xidhan kooxda.

Xaalada suuqa kala iibsiga ee haatan iyo qiimaha 40-ka Milyan ayaa ah kuwo aan is qabanayn marka loo eego koox weyn oo suuqa u galaysa si ay ula soo saxeexato xiddigo waaweyn.