LABADA Ciyaartoy Ee Ay Xiddigaha Man United Layaabeen Inaysan Kooxdoodu Lasoo Saxeexan Suuqii Xagaaga Oo La Ogaaday & Mid Kamida Oo Haatan Barcelona Ka Tirsan.

Xiddigaha kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay layaabeen sababta ay kooxdoodu suuqii xagaaga ula soo saxeexan weyday laba kamida ciyaartoydii bar-tilmaameedka uga soo ahaa suuqaas.

Labadaas xiddiga ayaa kala ahaa Antoine Greizmann iyo Fernando Llorente oo haatan kooxo cusub yeeshay labadooduba, Greizmann ayaa Barcelona u wareegay halka Llorente uu xor ugu biiray Napoli.

Image result for Griezmann and Llorente

Liiska ciyaartoydii Manchester ee xilli ciyaareedkii hore ayay ka baxeen Romelu Lukaku, Alexis Sanchez, Ander Herrera iyo Maraoune Fellaini oo aysan midkoodna badalkiisa lasoo saxeexan.

Dhibaatada kaliya ee dib u dishay Red Devils ilaa haatan ayaa ah go’aankii ay ku fasaxeen Sanchez iyo Lukaku maadaama oo ay hal mar wada dhaawacmeen Marcus Rashford iyo Anthony Martial oo uu isku haleeyay tababare Solskjaer.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in United ay la xidhiidhay Greizmann iyo Llorente labadaba iyadoo Llorente uu ahaa mid xataa ay kawada hadleen xiddigaha kooxdu maadaama oo xataa kaddib xidhitaankii suuqa England qaab xor ah lagu heli karayay.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in Manchester ay seegtay labadaas ciyaartoy ay layaab ku noqotay qolka labiska ee kooxda kuwaas oo ku tashanayay in ugu yaraan hal weeraryahan oo cusub kooxda lagu soo xoojin doono.

Image result for Griezmann and Llorente