Laba Kamid Ah Xiddigaha Barcelona Oo Ay Doodi Dhex Martay Dhammaadkii Kulankii Ay Guusha Kasoo Gaadheen PSV Iyo Sababata Doodaas Dhalisay.

Xiddigaha kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic iyo Clement Lenglet ayuu muran dhex maray dhammaadkii kulankii ay guusha kasoo gaadheen kooxda dalka Holland ee PSV sida uu mar dambe daaha ka qaaday daafaca ree France.

Qaab ciyaareedkii ay kooxda Barcelona kusoo bandhigtay kulankii ay guusha 1-2 ah kasoo gaadhay PSV ayaan ahayn midkoodii ugu fiicnaa, Waxa ay galeen fursado badan oo cadaan ah walow ay wiilash Mark Van Bommel ka faa’idaysan waayeen.

Lenglet salvó al Barça en el último suspiro con este gol de cabeza

Lenglet ayaa sheegay inay doodeen isaga iyo Ivan sababata doodaas dhalisayna ay ahayd fursadii ugu dambaysay ee ay heshay kooxda ree Holland taas oo halis gelin gaadhay Barca.

Daafacan oo ka warramaya sidii ay wax u dhaceen ayaa yidhi “Dhammaadkii kulanka waanu muranay, Rakitic iyo anigu, Laakiin waxkasta way fiican yihiin, Fursadahoodii Miyaa? Waa inaanu shaqayno oo aanu dhinac kasta horumar ka samayno”

Intaa kaddib, Lenglet ayaa ka fogaaday inuu eedeeyo bandhigii kooxdiisa ee kulankaas waxaana uu yidhi “Ma eedayn doono kooxdayda kaddib marka aanu guuleysanay, Haddii aan ogahay sida waxyaabaha qaldan loo horumariyo waan samayn doonaa, Waan hubaa inaan raadin doono xalka aanaan ku ogolaanayn wax goolal ah”

Mar wax laga weydiiyay in Valverde uu keyd galiyay kulankii Atletico Madrid ayuu ku jawaabay “Waxaan doorbidaa inaan ciyaaro laakiin xiddigaha kale way doonayaan sidoo kale, Si fiican ayaan u fahansanahay”