Laba Daran Mid Dooro? Miyuu Maurizio Sarri Caawa Nasin Doonaa Xidigaha Muhiimka Ah Ee Kooxdiisa Chelsea Si Uu Kulanka Liverpool Ugu Xisaabtamo.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri waxaa caawa horyaala go’aan adag oo ah in uu kala doorto in uu muhiimada siiyo kulanka Europa League ee ay martida u yihiin kooxda Slavia Prague iyo in uu ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa kaydka ku reebto si uu uga fikiro kulanka axada ay Liverpool martida ugu noqon doonaan Premier League.

Chelsea ayaa ku nasiib xun in laba maalmood kadib ay ciyaarayso kulankeeda markii ay Liverpool talaadadii sii ciyaartay kulankeedii Champions league waxayna caawa Blues marti u tahay kooxda Slavia Prague ee kulanka UEFA Europa League, waxaana lays waydiinayaa haddii uu Sarri shaxdiisa isbadal badan ku samayn doono.

Chelsea waxay u dagaalamaysaa sidii ay xili ciyaareedka soo socda ugu soo bixi lahayd UEFA Champions league oo ay xili ciyaareedkan ka maqnayd, waxayna wali haystaan laba fursadood oo ay ugu soo bixi karaan, waana in ay kaalmaha sare ee Premier league ku soo baxaan ama ay ku guulaystaan Europa League.

Arintan waxay Maurizio Sarri uga dhigan tahay ‘Laba daran mid dooro’ maadaama oo uu ogyahay in haddii uu ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa uu kaydka dhigto kulanka Slavia Prague in ay sabab ugu noqon karto in ay lumiyaan tartanka Europa League, wuxuuna sidoo kale ogyahay in haddii ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisu ay wada ciyaaraan kulanka Slavia Prague in ay kulanka Liverpool dhibaato dareemi doonaan.

Liverpool waxay kulankeedii Yurub sii ciyaartay talaadadii iyada oo sii nasatay arbacadii, khamiista maanta isla markaana haysata jimcaha iyo Sabtida si ay ugu diyaar garoobaan kulanka muhiimka ah ee ay Chelsea soo dhawaynayaan, balse taas badalkeeda Chelsea ayaa safar gashay, caawa oo jimce soo galyo la ciyaari doonta kooxda Slavia Prague kadibna safar u soo gali doonta England.

Marnaba wax sahlan ma aha in koox Europa League ku jirta oo safar gashay ay haddana axada heerkeeda ugu fiican ku ciyaari karto waana walwalka haysta Sarri maadaama oo ay hadda Chelsea ku sugan tahay dalka  Czech Republic  halkaas oo ay kulanka lugta hore ee Europa league kadib safar kale ka soo gali doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in Sarri uu isbadal ku samayn doono shaxdiisa iyada oo la xusay in uu kulanka Europa League ku soo bilaabi doono xidigo ay ka mid yihiin Davide Zappacosta iyo Andreas Christensen iyada oo la nasin karo Cesar Azpilicueta iyo David Luiz.

Eden Hazard ayaa la filayaa in uu kaydka ku jiri doono kadib bandhigii cajiibka ahaa ee uu kulankii West Ham United ka sameeyay iyada oo Giroud uu hogaamin doono weerarka Blues.

Shaxda Macqulka Ah Ee La Filayo In Uu Sarri Caawa Ku Soo Shirtagi Karo:

Chelsea (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Zappacosta, Rudiger, Christensen, Alonso; Kovacic, Kante, Barkley; Pedro, Willian, Giroud

Si kastaba ha ahaatee, waxaa caawa la arki doonaa haddii uu Sarri ka fikiri doono kulanka Slavia Prague oo kaliya oo uu xidigaha muhiimka ah ee kooxdiisa soo safi doono iyo haddii kulanka Liverpool uu saamyn ku yeelan doono xulahsadiisa.