Jamie Redknapp Oo Sheegay In Pogba Uu Baahan Yahay Guardiola Oo Kale, Isla Markaana Aysan Wanaagsanayn Inuu La Shaqeeyo Mourinho.

Laacibkii hore kooxda Liverpool Jamie Redknapp ayaa aaminsan in laacibka ugu qaalisan safka kooxda Manchester United ee reer France Paul Pogba, inuu fiicnaan lahaa hadii uu xiligan qeyb ka noqon lahaa safka kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ee Manchester City.

Sida uu fahansan yahay Jamie Redknapp, macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wuxuu ku dulminayaa 24 jirkan reer France in inta badan uu uu dhigo boos uusan jeceleen inuu ka ciyaaro.

Xidigii hore kooxda Liverpool ayaa wuxuu yidhi mar uu la hadlayay shabakada “Sky Sports” ee dalka England: “Dadka oo dhan waxay dheheen Paul Pogba waa laacibka ugu muhiimsan safka kooxda Manchester United, balse haatan wax walbo waxay isku badaleen si layaab leh, wuxuuna noqday mid ay ku tilmaamaan inuu yahay bilaa faa’iido”.

Redknapp ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay:  “Marka ay xaaladdu fiicnaato, qof walbaa wuxuu dhahaa waa ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, lakiin wuxuu hada guranayaa miraha go’aankii uu ugu soo dhaqaaqay safka Manchester United, maadaama uu la kulmayo dhaleeceeno kala duwan, sababa la xidhiidha kacagahii uu ku yimid Old Trafford”.

Jamie oo mas’uuliyada xaalada uu ku sugan yahay Paul Pogba dusha kaga tuurayay José Mourinho ayaa wuxuu yidhi: “Mourinho ayaa ka muusuul ah dhibaatada haatan heysata Pogba, waxay ila tahay in Guardiola uu ka dhigi lahaa xiligan mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan kubada hadii uu go’aansan lahaa ku biirista Manchester City”.

Laacibkii hore kooxda Liverpool ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Mourinho waa inuu ka taxadiraa arintan, uma maleenayo inay leedahay wax faa’ido ah, inaad dhibaateyso mid ka mid ah ciyaartoyda ugu bandhiga fiican safka kooxda aan maamuleyso”.

Khadka dhexe reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa waxaa dhawaan lagu dheleeceeyay kulankii ugu dambeeyay ay horyaalka Premier League-ga guuldaro 1-0 kala soo kulmeen garoonka kooxda Newcastle United ee St James Park.