Xidig Hore Oo Real Madrid Ah Oo Sheegay Sida Uu U Doonayo Inuu Arko Laacibka Reer Brazil Ee Neymar Oo Kaga Garab Ciyaaraya Cristiano Ronaldo Kooxda Real Madrid.

Laacibkii hore kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain Guti ayaa wuxuu ka warbixiyay sida uu u doonayo inuu arko laacibka reer Brazil ee Neymar Jr oo kaga garab ciyaaraya dhigiisa xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo safka Los Blancos.

Neymar Jr  oo xili ciyaareedkan ku biiray safka Paris St Germain kadib markii uu kaga soo dhaqaaqay Barcelona aduun dhan 222 million euros ayaa si xoogan lala xidhidhinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu xidhan doono maaliyada Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan. Waxaana qorshaha Los Blancos uu yahay inuu u noqdo badalka Cristiano Ronaldo ee garoonka Santiago Bernabéu.

Guti oo la hadlayay saxaafada ayaa wuxuu yidhi ugu horeyn: “Neymar waa xidig ka duwan ciyaartoyda kale, wuxuu ka mid yahay 3 xidig xiligan ugu wanaagsan kubada cagta, xili kastana Los Blancos waxay aragta ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta, iyada oo ka shaqeysa sida ay ku keeni lahayd  Bernabéu”.

Laacibkii hore kooxda Real Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waa hubaal inaan doonayo arigtada ah Neymar Jr oo ka garab ciyaaraya Cristiano Ronaldo waliba isaga oo xidhay maaliyada Real Madrid, waxay noqon doontaa labo ciyaaryahan oo aan la rumeysan Karin hadii ay sidaas dhacd”.

Guti ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waan jeclahay Real Madrid, waana ku faraxsan yahay waxa uu Zidane ka sameeyay Los Blancos, wuxuu kula guuleystay tan iyo markii uu yimid 8 koob, mana ahan wax fudud in sidaas la sameeyo. Waana macalinkii ugu horeeyay ee laba sano isku xidgta eek u guuleysta  tartanka Champions League-ga, mana filayo in xaalada ay haatan ku sugan tahay kooxda uu yahay qalad dhanka macalinka ah”.

1 Comment

Comments are closed.