Xidiga Ree Brazil Ee Paulinho Oo Shaaca Ka Qaaday Doorkii Uu Lionel Messi Ku Lahaa In Uu Barcelona Ku Soo Biiray Suuqii La Soo Dhaafay.

Laacibka ree Argantina ayaa door muhiim ah ka ciyaaray inuu u dhaqaaqo xiddiga reer Brazil Paulinho safka kooxda Barcelona suuqii dhawaa ee lasoo dhaafay, Paulinho ayaa xaqiijiyay in Lionel Messi uu weydiistay inuu ku biiro Blugarana, inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ay wada ciyaareen xulalka Barzil iyo Argentina 9 June. Haddii ay jamaahiirta Barcelona si wayn uga soo horjeedeen in Paulinho uu Camp Nou ku soo biiray waxaa hadda soo baxday in Messi uu door wayn ku lahaa.

Paulinho  ayaa wuxuu u sheegay “El Periódico de Catalunya” mar uu ka hadlayay imaatankiisa kooxda Barcelona ayaa wuxuu yidhi: “Messi ayaa wuxuu I weydiistay inaan ku biiro kooxda Barcelona, haa waxay ahayd inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ee  9 June dhex maray xulalka Barzil iyo Argentina”.

Xidiga ree Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Waxaan isku diyaarinayay inaan kala shaqeeyo saaxiibkey Willian sida aan ku tuuri lahayn laadka xurta ah, laakiin waxaan arkay Lionel Messi oo gaadaal iga taagan inta uu si tartiib- tartiib ah iigu soo dhaawaday ayuu ii sheegay hadii aan wada aadno Barcelona maxaad ka qabtaa”.

Paulinho ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Waxaan u sheegay isaga, hadii aad rabto inaan aado Blugarana, waan aqbali doonaa”.

Xidiga khadka dhexe kooxda Barcelona ayaa hadalkiisa wuxuu intaa kusii daray: “Sidaasi darteed waxaan dareemay wal wal aad u daran, waxaana ka codsaday Willian inuu isaga tuuro laadka xurta ah, kadibna marka uu kulanka soo idlaaday waxaan sidaas isku dhaafsanay Messi garamadii aan ku ciyaarnay”.

Laakiin imaatinka Paulinho garoonka Cump Nou ayeey maamulka kooxda Barcelona kala kulmeen dhaleeceen xoogan maadaama ay kala soo saxiixdeen 29 jirkan kooxda ka ciyaarta horyaalka Chinese Super League Guangzhou Evergrande aduun dhan 40 million euros.