LA YAAB! Mourinho Oo Sharaxaad Qariib Ah Ka Bixiyay Sababta Dhabta Ah Ee Ay Man United U Dhibtoonayso Iyo Jamaahiirta Red Devils Oo Aan Jeclaysan Doonin.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa intii uu Old Trafford joogay waxa uu marar badan saxaafada ka hor sheegay arimo layaableh oo muran badan dhaliyay laakiin waxa uu markan sameeyay qiimayn aan la rumaysan karin si uu u soo bandhigo waxa ay tahay sababta dhabta ah ee ay United u dhibtoonayso.

Manchester United ayaa kaalinta 7 aad kaga jirta kala saraynta Premier league waxayna haddaba 14 dhibcood ka hoosaysaa kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City oo hogaaminaysa horyaalka Ingiriiska kadib markii 13 kulan la soo ciyaaray.

Jose Mourinho ayaa muujiyay sida ay Manchester United hadda u tahay koox hore taariikh ah balse aan hadda la awood ahayn Tottenham isaga oo waliba tusaaleyaal badan soo qaatay isla markaana ku cadeeyay in ay tahay sababta ay u dhibtoonayaan.

Mourinho ayaa cadeeyay in Manchester United ayna hadda awood u lahayn in ay soo jiidato ciyaartoyda heerka caalami sidii ay hore u ahaan jirtay wuxuuna soo qatay waqtigii Man United ay Tottenham kala soo wraeegtay Michael Carrick iyo Dimitar Berbatov oo Spurs ugu fiicnaa iyo sida ayna hadda ugala soo wareegi karin Harry Kane, Dele Alli,Christian Eriksen iyo Son.

Jose Mourinho ayaa isaga oo arintan ka hadlaya yidhi: “Miyay Manchester United tahay taariikhdii xajmigeeda oo ay Tottenham ka wayn tahay? Laakiin miyaad soo iibsan kartaa ciyaartoyda ugu fiican ee Tottenham? Maya, sababtoo ah iyagu ma doonayaan in ay iibiyaan. Dabcan, iyagu aad ayay u awood badan yihiin, waxayna sheegi karaan maya’.

Jose Mourinho oo hadalkiisa tusaale cad u keenaya ayaa yidhi: “Dhawr sanadood ka hor, kumuu ahaa ciyaartoygii Tottenham ugu fiicnaa? Carrick. Dhawr sano kadib kumuu ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa, Berbatov”.

Wuxuuna Mourinho hadalkiisa ku sii xidhay awooda hadda ee Man United iyo Tottenham wuxuuna yidhi: “Miyaad hadda halkaas tagi kartaa oo aad keeni kartaa Harry Kane, Dele Alli, Erikson ama Son? Miyaanu halkaas tagi karnaa oo aanu ciyartoydaas halkan keeni karnaa? Maya. Sidaa daraadeed, midkee hadda awood badan? iyaga mise anaga?”.

Jose Mourinho ayaa muddadii uu Man United joogay waxa uu suuqa ku bixiyay £382.5 milyan gini halka Guardiola oo ay xifiltamaan uu suuqa la galay £525 milyan gini balse saxiixyada uu Guardiola sameeyay ayaa dhamaantood noqday kuwo laga faa’iiday oo waliba da’yar ah kuwaas oo ugu yaraan muddo shan ama lix sano ah halka ugu saraysa ka ciyaari kara.

Jose Mourinho ayaa la waydiiyay sababta ay kooxdiisa Man United ula mid noqon waydya dariskooda Man City wuxuuna ku jawaabay: ‘Anigu jawaabta ma sheegi karo, sababtoo ah mid ka mid ah jawaabaha dhawr todobaad ka hor ayaad haysateen” Wuxuuna tix raacyay in Man City ay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga Yurub.

Si kastaba ha ahatee, Jose Mourinho ayaa muujiyay in Man United ay hadda lumisay awoodii ay ciyaartoyda ugu fiican ku soo jiidan kartay wuxuuna si aan gabasho lahayn u qirtay in Tottenham ay hadda tahay kooxda ka awooda badan Man United taas oo ah waxyna jamaahiirta Red Devils jeclaysanayn.