LA OGAADAY: Dani Ceballos Oo Kashifay Maalinta Uu Xili Ciyaareedka Premier League Dib U Bilaamayo.

Taageerayaasha kubbada cagta ayaa qish wayn ka helay xidiga kooxda Arsenal ee Dani Ceballos kaas oo si lama filaan ah u sheegay waqtiga la filayo in xili ciyaareedka Premeir league uu dib u furmi doono.

Todobaadkan ayay kooxaha premeir league dib ugu soo laabteen tababarka kadib muddo laba bilood ah oo ay go’doon ku jireen laakiin ilaa hadda maamulka premier league ayaan si rasmi ah ugu dhawaaqin maalinta xili ciyaareedka dib loo bilaabi doono.

Dani Ceballos oo waraysi siiyay idaacada dalkiisa Spain laga leeyahay ee RTVE ayaa si buuxda u shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee loogu balansan yahay in xili ciyaareedka Premeir league isaga oo meesha ka saaray taariikh in badan la sheegayay in kulamada Premier League ay bilaamayaan.

Xidiga Real Madrid amaahda kaga maqan ee Dani Ceballos  ayaa sheegay in xili ciyaareedka Premeir League uu dib u bilaami doono June 20 wuxuuna beeniyay in uu xili ciyaareedku dib u furmi doono maalinta laysla dhex marayay ee ah June 12.

Dani Ceballos oo arintan ka hadlayay ayaa yidhi: “Waxaanu bilaabanaynaa hal todobaad oo aanu dib uga dhacayno iyada oo aan tixgalinayo wixii looga hadlay Spain taas oo ah June 12, anagu waxaanu doonaynaa in aanu horyaalka bilaabanayo June 20”.

Dani Ceballos oo ka hadlaya natiijada baadhitaankii ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal ee fayraska Karoonaha ayaa cadeeyay in aan ciyaartoyda kooxdiisa waxba laga helin wuxuuna yidhi: “Anagu waxaanu tijaabada baasnay 48 saacadood ka hor, natiijada kooxda oo dhami waxay noqotay negative”.

Hadalka uu Dani Ceballos ku shaaciyay in horyaalka Premier league uu dib u furmi doono June 20 ayaa ah mid xog laysku halayn karo ah maadaama oo maamulka Premier league uu la tashaday ciyaartoyda, tababarayaasha, ururka ciyaartoyda iyo ururka tababarayaasha si taariikhda dib loo bilaabanayo layskula qaato.

Laakiin maamulka Premier league iyo 20 ka kooxood ee horyaalka Ingiriiska ayaan wali doonayn in ay ku dhawaaqaan maalinta rasmiga ah si haddii ay wax isbadalaan ayna u noqon war ku soo laabta.

Ka hor inta aan la shaacin maalinta uu Dani Ceballos sheegay in xili ciyaareedka Premeir league dib loo furayo, waxay marka hore maamulka Premier leauge iyo TV-yada leh baahinta tooska ahi ay isla qaadan doonaan dib u habaynta jadwalka kulamada xili ciyaareedka ka hadhsanaa.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook