LA OGAADAY: Waa Kuma Ciyaartoyga Liverpool Ka Tirsan Ee Aan Muslimka Ahayn Ee Iska Diiday In Uu Dabaal Degii UCL Khamri Ku Cabo? Sababtana Halkan Ka Ogow.

Waqtiga lagu jiro dabaal dega koob ay kooxi ku guulaysatay waxa ugu badan ee ay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka kooxi ku dabaal degaan waxaa ugu badan khabriga oo ay cabitan iiyo dusha iskaga shubaan.

Inta badan kooxaha ay ku jiraan ciyaartoyda muslimka ahi waxaa la arkaa iyada oo ay si gaar ah iskaga ilaalinayaan in lagu dul shubo khamriga maadaama oo uu umadda muslimka ah xaaraan ka yahay.

Laakiin waxaa la ogaaday ciyaartoy kooxda Liverpool ka tirsan oo aan muslim ahayn balse iska diiday in uu ku dabaal dego khamri intii uu socday dabaal degii Liverpool ee koobka UEFA Champions League.

Waxaa la ogaaday in xidiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Netherlands ee Georginio Wijnaldum uu iska diiday in uu cabo khamri intii uu socday dabaal degii kooxdiisa ee koobka UEFA Champions league.

Liverpool ayaa Georginio Wijnaldum kala soo wareegtay kooxda Newcastle United markii ay heerka labaad u dhaceen, wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoydii ayna markaas jamaahiirta Liverpool soo dhawayn in uu Anfield ku soo biiray.

Laakiin waqti kadib waxay taageerayaasha Liverpool caashaq wayn u qaadeen hawl karnimada Gini Wijnaldum iyo doorka ma daalenimada ah ee uu Jurgen Klopp ugu gabaal guday in uu heerka labaad ka soo saaray.

Georginio Wijnaldum ayaa waqtigiisii ugu layaabka badnaa ee Liverpool ku soo qaatay Anfield kulankii Barcelona ee uu kaydka ka soo baxay isla markaana uu labada gool dhaliyay.

Liverpool ayaan la’aanta Georginio Wijnaldum u soo baxdeen finalkii Champions league ee ay ku soo guulaysteen markoodii lixaad.

Haddaba maxay tahay sababta uu Ee uu Georginio Wijnaldum u diiday in uu khamri ku cabo dabaal degii waynaa ee kooxdiisa Liverpool u samaysay Champions League?

Georginio Wijnaldum ayaa sheegay in sababta uu u diiday khamriga oo ay ku jirto maadada Alcohol waxa uu ku tilmaamay in uu doonayay sidii uu xulkiisa qaranka Holland ugu matali lahaa koobka UEFA Nations League.

Gini Wijnaldum ayaa yidhi: “Khamrigo waxa uu leeyahay fasaxa, hadda ma aha. UEFA Nations League waa koob fiican oo ay tahay in lagu guulaysto”.

Georginio Wijnaldum ayaa markiiba ka fikirayay waajibaadka xulka qarankiisa Netherlands isla markii uu Liverpool ka caawiyay ku guulaysiga koobka UEFA Champions league taas oo muujisay sida uu uga taxadarayay in uu xalaad aan fiicnayn galo waqti ay isku diyaarinayeen UEFA Nations League.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda muslimka ah ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaan ka mid ahayn ciyaartoyda u dhawaada khamriga iyada oo waliba uu hore Mane u cadeeyay in aanu waligii taaban khamri.