LA OGAADAY: Tababaraha Uu Cristiano Ronaldo Ka Doonayo In Uu Juventus Ka Badalo Maxi Allegri Oo La Ogaaday.

Cristiano Ronaldo ayaa door ka qaadanaya in kooxda Juventus ay hesho badalka tababare Massimiliano Allegri oo lagu dhawaaqay in uu baxayo.

Waxaa soo baxay tababaraha uu Cristiano Ronaldo codkiisa ku taageeray in uu noqdo badalka Massimiliano Allegri ee Juventus waana tababare uu waqti cajiib ah la soo qaatay.

Cristaino Ronaldo ayaa doonaya in macalinkiisii hore ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti oo hadda jooga kooxda Napoli uu noqdo badalka tooska ah ee Massimiliano Allegri.

Warbaahinta Talyaaniga ee kala ah Libero, La Gazzetta Dello Sport, TV Luna iyo Football Italia ayaa shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu codka kalsoonida siiyay Carlo Ancelotti si uu u badalo Maxi Allegri oo bixitaankiisa si rasmi ah loo shaaciyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  SUUQA: Lampard Oo Cadhadii Uu Old Trafford Kasoo Qaaday Darteed 70 Milyan Ugu Soo Iibsanaya Daafac & Liis Xiddigo Ah Oo Uu Diyaarsaday.

Carlo Ancelotti iyo Cristiano Ronaldo ayaa waqti fiican ku soo wada qaatay Real madrid intii u dhexaysay sanadihii 2013-2015 kii iyada oo waliba uu Ancelotti ayaa mid taageero badan ka haystay qolka labiska Madrid ee uu Ronaldo ugu saamayna badnaa.

Markii ay Real Madrid shaqada ka caydhisay Carlotti Ancelotti ayuu Cristiano Ronaldo ka mid ahaa ciyaartoydii ka soo horjeedsaday laakiin waxa uu markale heli karaa fursad uu Ancelotti ugula shaqayn karo Tutin.

Heshiiska Carlo Ancelotti ee Napoli waxaa ka ahdhsan laba sanadood wuxuuna dhacayaa 2021  isaga oo xagaagii la soo dhaafay uun ku soo biiray kooxda Napoli.

Inkasta oo ay jiraan tababarayaal badan oo haddaba lala xidhiidhinayo Juventus, haddana in Cristiano Ronaldo uu codka kalsoonida siiyay Carlo Ancelotti waa mid keeni karta in ay Turin markale ku midoobi karaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Si Lama Filaan Ah Oo Maldahan U Shaaciyay Waqtiga Uu Ciyaaraha Ka Fariisan Karo - Waa Waqti Dhow

Carlo Ancelotti soo maamulay kooxaha Yurub ugu waa wayn qaar ka mid ah ayaa hadda Napoli maamula iyada oo loo arko in ayna ahayn koox heerkiisa iyo khibradiisa u qalanta.

Lama oga haddii uu Carlo Ancelotti ama madax waynaha Napoli uu aqbali doono in maamulka Juventus ay fuliyaan talada Ronaldo si ay Ancelotti uga dhigtaan badalka Maxi Allegri.

Juventus ayaa lala xidhiidhinayaa Pep Guardiola, Jurgen Klopp, Pochettino, Antonio Conte iyo tababarayaal kale oo badan laakiin maamulka Juventus ayaa tix galin kara dookha Cristiano Ronaldo ee ah in Ancelotti kooxda la keeno.