LA OGAADAY: Sergio Ramos Oo Laba Difaac Dhexe Ka Door Bidiya Kabtanka Ajax Ee Matthijs de Ligt Oo Kooxdiisu Ay Dagaalkiisa Ku Jirto.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la ogaaday in uu laba difaac dhexe ee Talyaaniga ka ciyaara ka door bidayo Matthijs de Ligt.

Real Madrid, Barcelona, Man City, Liverpool iyo kooxo badan oo Yurub ah ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt, laakiin Ramos ayaa difaacyo kale ka doorbidaya.

War soo baxay ayaa sheegaya in kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos uu doonaya sidii ay kooxdiisa Madrid ula soo wareegi lahayd difaacyada Serie A  ee Kalidou Koulibaly  ama Milan Skriniar halkii ay De Ligt u dhaqaaqi lahayd.

Real Madrid ayaa horeba u doonaysay saxiixyada labadan difaac gaar ahaan Kalidou Koulibaly kaas oo ay kooxdiisa Napoli lacag waali ah ku doonayso halka Milan Skriniar laftiisu uu qiimo sare ku bixi karo.

Laakiin warar cusub oo soo baxay ayaaba sheegaya in Real Madrid ay ku fashilmayso saxiixa kabtanka Ajax ee Matthijs de Ligt kaas oo ay Barcelona qarka u saaran tahay in ay la soo wareegto waxayna wararku sheegayaan in maalmo kadib heshiiskiisa lagu dhawaaqi karo.

Laakiin Sergio Ramos ayaaba u muuqda mid aan jeclaysan in difaaca dhexe ee kooxdiisa uu kala ciyaaro Matthijs de Ligt wuxuuna ka door bidayaa Kalidou Koulibaly  ama Milan Skriniar.

Kooxda Napoli ayaa Kalidou Koulibaly ku qiimaynaysa 150 milyan yuro halka Milan Skriniar oo Inter Milan ka tirsan lagu qiimaynayo 100 milyan yuro.

Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu isbadal wayn ka sameeyo kooxdiisa Real Madrid oo xili ciyaareedkan magcmo madhan ku dhamaysatay isla markaana taariikh xun looga diwaan galiyay La Liga.

Real Madrid ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto heshiiska Eden Hazard oo ay lacag 100 milyan gini ah kagala soo wareegayso Chelsea waxayna sidoo kale doonaysaa Pual Pogba oo Man United ka tirsan.