LA OGAADAY: Sababta Ka Dambaysay In Kabtan Laurent Kosceilny Uu Dhaqan Xumo U Horseedo Xiddigaha Kale Ee Arsenal Iskana Diido Safarkii Maraykanka Oo La Ogaaday.

Shalay ayay ahayd markii ay inta badan xiddigaha kooxda Arsenal u duuleen dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga soo qayb qaadan doonaan kulamo saaxiibtinimo oo ay xilli ciyaareedka 2019-20 iskugu diyaarinayaan,

Liiska xiddigaha ee u safray Maraykanka ayuusan kasoo muuqan kabtanka kooxda ee Laurent Kosceilny kaas oo iska diiday inuu gabi ahaanba raaco kaddib markii loo tix gelin waayay codsi uu watay.

Intaa kaddib kooxda ayaa warbixin rasmi ah kasoo saartay diidmada qayaxan ee uu kala hor yimid Kosceilny waxaana ay sheegtay inay isku dayi doonaan xalinta dhibtaas.

Haddaba, Sida haatan laga soo xiganayo wargeyska Daily Mail, Kosceilny ayaa kooxdiisa ka dalbaday inay iska sii dayso gudaha suuqan oo ay u ogolaadaan inuu qaab xor ah ugu wareego kooxda dalkiisa France ee Bordeaux.

Bordeaux ayaa qandaraas saddex sano ah usoo bandhigtay daafacan oo sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Lyon iyo Rennes balse Gunners ayaa iska indho tiray codsigii uu u gudbiyay taas oo dhalisay inuu diidmo ku kaco.

Dhinaca kale Kosceilny ayaa aaminsan in qandaraas kordhintii sanadka ahayd ee ay Arsenal usoo bandhigaysay uu qasay qoddobka ay kooxdu kaga dalbatay inuu mushahar dhimis sameeyo.

Wariyaha BBC ee David Ornstein oo ka hadlaya arrimaha Kosceilny ayaa yidhi “Arsenal wadahadalo ayay Kosceilny kagala jiray mustaqbalkiisa ilaa xilli ciyaareedkii hore, Wakhtigaasna kooxdu waxa ay dareensanayd inay arrimuhu dhinaca wanaagsan u socdaan”

“Si kastaba, 33 jirkani waxa uu kasoo laabtay fasaxiisii xagaaga waxaana uu weydiistay in qandaraaskiisa laga fasaxo sanad kahor inta uusan dhicin kaas oo ay Arsenal diiday”.