LA OGAADAY: Sababta Ay Maamulka Manchester United Uga Dhaarteen Inay Jose Mourinho Xiddigo U Keenaan Kooxda Oo La Ogaaday

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay in khilaaf uu ka dhex dhashay maamulka kooxda Manchester United iyo tababaraha kooxda ee Jose Mourinho, Khilaafkaas ayuu sababay xaalada dhaq dhaqaaq la’aanta ee suuqa kala iibisiga ee Red Devils.

Jose Mourinho ayaa dhawaan si cadaan ah saxaafada uga hor qirtay inuu kooxdiisa u gudbiyay tiraba shan saxiix balse uusan ilaa hadda hayn mid kamid ah saxiiyadaas, Jose ayaa sheegay inuu haatan rajaynayo ugu yaraan laba saxiix walow uu qirtay inuu filayo inaysan laba saxiix suurogal ahayn wakhti xaadirkan uu suuqu dhammaadka ku dhaw yahay.

Madaxa kooxda ee Ed Woodward oo hore u ahaa shaqsiga fududeeya saxiiyada uu Special One doonayo ayaa haatan la fahamsan yahay inuu is-fahanwaa ka dhaxeeyo isaga iyo tababaraha kooxdiisa, waxaana daaha laga qaaday sababta uu Jose Mourinho ugu dhibtoonayo maamulka kooxdiisa isla markaana ay uga dhaarteen inay xiddigaha uu rabo u keenaan kooxda,

Boodhkaa Red Devils ayaa la sheegay inay marka hore doonayaan in Jose uu kala shaandhayn ku sameeyo safka xiddigaha uu ku haysto Old Trafford kaddibna uu kharash gareeyo lacagta uga soo baxda xiddigaha uu kooxda ka diro.

Jose Mourinho ayaa ilaa haatan Man United ku sugnaa mudo saddex sano ah waxaana uu mudadaas lacago aad u badan ku bixiyay xiddigo kala duwan isagoo kooxda ku hoggaamiyay koobab kala ah Community Sheild, Capital One Cup iyo UEFA Europe League isagoo sanadahaas suuqa ku bixiyay 433 Milyan.