LA OGAADAY: Qoddobkii Waalida Ahaa Ee Uu Harry Maguire Ka Diiday Man City Si Uu Ugu Wareego Man United Oo La Ogaaday.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Manchester United ay la wareegtay daafaca ree England ee Harry Maguire kaas oo lacag dhan 80 Milyan oo rekoodhka aduunka ah ay kaga heshay Leicester City kaddib wada xaajoodyo mudo dheer socday.

United ayaan markii hore doonayn inay wada bixiso dhammaan lacagaha ay Foxes ka dalbanaysay balse dhaawacii Eric Bailly ku gaadhay kulankii saaxiibtinimo ee Tottenham ayaa ku qasbay inay waxkasta sameeyaan.

Lacagtaas ayaa noqotay mid muran badan dhalisay iyadoo ay dad badani ku sifeeyeen ka badbadis halka kuwo kale ay u arkayeen in United ay baahideedii ugu weyneyd soo buuxisay waxay doontaba haku bixisee.

Kahor inta uusan 26 jirkani dooranin inuu usoo wareego dhinaca Man United waxa sidoo kale xiiso u muujinaysay kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Manchester City kuwaas oo ka dhiganayay bedelka kabtan Vincent Kompany oo ka baxay.

Wargeyska Daily Star ayaa haatan banaanka keenay dadaalkii weynaa ee ay Sky Blues u sameeyeen saxeexa Maguire isaga oo wargeysku xusay in ay miiska u saareen mushahar dhan 278,000 oo Pound todobaadkii balse uu iska diiday.

Maguire ayaa United  usoo wareegay isaga oo ka qaadanaya toddobaadkii 190,000 oo Pound isla markaana qalinka ugu duugay qandaraas lix sano ah.

Daily Star ayaa sheegaya in haddiiba Maguire uu aqbali lahaa dalabka uga imanaya Sky Blues uu 70 Milyan qaadan lahaa shanta sano ee uu la joogo isla markaana uu noqon lahaa daafaca dunida ugu mushaharka badan.

1 Comment

  1. MAGUIRE WAS PLAYER OF LEICESTER CITY AND WE DID’NT HEAR MORE HISTORY BEFORE UNITED.
    HHHH ALREADY BEGUN A UNITED STORY OF MEDIA.
    ▪︎maguire was man united fan as he was born,
    ▪︎maguire will captain the team,
    ▪︎maguire denied city £278k for united,
    ▪︎maguire is better than VVD
    ▪︎magiure is world best cetre back
    ▪︎maguire,maguire,maguire,maguire
    BECAUSE OF ONLY HE’S PLAYING FOR MANCHESTER UNITED AND ENGLAND WHITE PLAYER.

    ANIGA AYAA KAGA QEYB WAATAY COMMENTIGAN BOGGA AAD WARKA KA KEENTAYE CADAYSTAY BEENTA.
    IDINKU KA GOOL AHAAN ISKA ILAALIYA ISKANA HUBIYA MEELAHAAD KASOO DHEEGEYSAAN WARARKA ILLEEN WARIRAYAAL GOOB JOOG I AH DHACDOOYINKA MA LIHIDINE HUBIYA OO ISKA ILAALIYA WARARKA AAD KASOO QORTAAN.
    ALL FOOTBALL
    THE SUN
    DER BILD
    IYO XIGASHADA WARIYAYAASHA HORE KOOXO IGU SOO XIYAARAY E HALYEYADA KA AH.

Comments are closed.