LA OGAADAY: Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd Ee Florentino Perez U Diiday In Jose Mourinho Uu U Magacaabo Shaqada Tababaranimo Ee Bernabeu?

Intii ayna Real Madrid kooxdeeda dib ugu soo celin Zinedine Zidane waxaa la ogaa in Florentino Perez uu si cad u doonayay sidii uu Jose Mourinho ugu magacaabi lahaa shaqada tababaranimo ee kooxdiisa laakiin sababo gaar ah oo jiray awgeed waxaa Perez qasab ku noqotay in uu ka tanaasulay rabitaankii uu Mourinho ku doonayay.

Madax waynihii hore ee kooxda Real Madrid ee Roman Calderon ayaa shaaciyay sababtii dhabta ahayd ee Perez u diiday in uu magacaabo Jose Mourinho wuxuuna si cad u sheegay in Jose Mourinho uu ahaa dookha kowaad ee uu Perez doonayay in uu kooxda u dhiibo.

Roman Calderon ayaa soo bandhigay in ciyaartoyda kooxda Real Madrid ay si cad u diideen in Jose Mourinho lagu soo celiyo Santiago Bernabeu taas oo Florentino Perez ku qasabtay in uu ka hadhay rabitaankii uu Mourinho ku doonayay isla markaana uu Zidane u leexday.

Roman Calderon oo ka hadlayay in Jose Mourinho aan laga doonayn Bernabeu marka laga reebo Florentino Perez taas oo macalinka reer Portugal ka hor joogsatay in uu ku soo laabto Los Blancos.

Roman Calderon ayaa yidhi: “Doorashada kowaad waxa uu ahaa Mourinho, isla markaana waxa uu Mourinho ahaa midka doonayay in uu yimaado Real Madrid sababtoo ah waxa uu ahaa midka kaliya ee uu madax waynuhu ixtiraamayay’.

intaa kadib Roman Calderon oo ka hadlaya sababtii uu Perez u awoodi waayay in uu Mourinho kooxda ku soo celiyo ayaa yidhi: “Isagu (Mourinho) waxa uu sheegaa wax aanu qofna ku dhiiran, waxa uu eedeeyaa garsoorayaasha, saxaafada , waxa uu sheegaa waxa ayna caadi ahayn in la sheego. Hogaamiyaasha qolka labiska ayaa diiday suurtogalnimada Mourinho”.