LA OGAADAY: Maamulka Real Madrid Oo Xidhiidh La Sameeyay Mohamed Salah & Harry Kane Si Ay Badal Ugu Noqdaan Cristiano Ronaldo Iyo Jawaabtii Ay Ka Heleen.

Maamulka Real Madrid ayaa waqti hore sii ogaa in Cristiano Ronaldo uu kooxdooda ka baxayay waxayna xili horeba isku dayeen in ay raadsadaan badalkiisa waxayna xidhiidh la sameeyeen xidigihii Premier league goolasha ugu badan ka soo dhaliyay ee Mohamed Salah iyo Harry Kane.

Wargayska El Pais ee dalka Spain ka soo baxa ayaa shaaciyay in maamulka Real Madrid ay xidhiidh la sameeyeen Mohamed Salah iyo Harry Kane si midkood badal ugu noqdo Cristiano Ronaldo laakiin jawaabta ay heleen ayaan noqon mid ka farxisay.

Waxaa warbixinta wargayska El Pais lagu sheegay in maamulka Real Madrid ay xidhiidh la sameeyeen la taliyaasha Mohamed Salah si uu Santiago Bernabeu ugu soo biirayo xagaagan laakiin jawaabta ay heleen ayaa noqotay in xidiga ree Masar uu go’aan ku gaadhay in aanu ka bixin Anfield isaga oo waliba qandaraas cusub u saxiixay liverpool.

Sidoo kale Harry Kane ayaa doortay in aanu Real Madrid u dhaqaaqin wuxuuna daacad u sii noqday kooxdiisa Tottenham isaga oo qalinka ku duugay qandaraas cusub si uu waqti dheer u sii joogti karo Spurs, waxayna maamulka Madrid xili horeba doonayeen in ay Salah ama Kane ay kooxdooda keenaan.

Markii uu Mohamed Salah iska diiday Real Madrid ee uu ogolaaday in uu qandaraas waqti dheer ah u saxiixo kooxdiisa Liverpool ayuu Klopp arintaas ku qeexay: “Waxay si cad u muujinaysaa laba arimood, rumaysnnaantiisa Liverpool iyo sida aanu isaga u aaminsanahay”.

Maamulka Real Madrid oo doonayay in xili horeba ay helaan badalka Ronaldo xataa intii aanu kooxdooda ka bixin ayaa ku hungoobay saxiixyada Harry Kane iyo Mohamed Salah oo doortay in ay xili ciyaareedka cusub ka sii wataan Premier League.

Laakiin ilaa hadda oo uu Cristiano Ronaldo ka baxay Bernabeu, waxay Real Madrid suuqa ugu jirtaa badalkii xidiga ree Portugal iyada oo Harry Kane iyo Mohamed Salah kadib u dhaqaaqday Neymar Jr, Kylian Mbappe iyo Eden Hazard kuwaas oo dhamaantood noqday kuwa aan midho dhal keenin.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa Florentino Perez oo sabab buuxda u ahaa bixitaankii Cristiano Ronaldo ka sugaya in uu keeno badalkiisa inkasta oo Julen Lopetegui uu ku adkaysanayo in Gareth Bale, Marco Asensio iyo Isco ay kooxdiisa si buuxda u hogaamin karaan.