LA OGAADAY: Labada Qaab Ee Ay Shaxda PSG Noqon Doonto Kulanka Liverpool Iyo Shaxda Macquulka Ah Ee Thomas Tuchel Uu Reds U Diyaarsaday.

Kooxaha Liverpool iyo PSG ayaa ku balansan kulan aad u adag oo habeen danbe ka dhici doona magaalada Paris waana kulan aduunka oo dhan si wayn looga sugayo. PSG ayaa ah kooxda uu cadaadiska ugu wayni ku saaran yahay in ay guul gaadho kadib in kaalinta saddexaad ay kaga jirto Group C.

Laakiin Liverpool ayaa sidoo kale cadaadis ka dareemaysa in ayna xili ciyaareedkan soo guulaysan hal kulan oo ay marti soo ahayd Champions League taas oo dhiirogalin wayn siinaysa PSG. Liverpool ayaa guul daro lama filaan ah kala soo laabtay Red Star Belgrade kulankii ugu danbeeyay waxayna hadda booqanaysaa PSG oo ka sii awood badan.

Laakiin PSG ayaa sidoo kale u cadhaysan Liverpool maadaama oo ay guuldaro ka soo gaadhay kulankii Anfield wuxuuna Thomas Tuchel diyaar sanayaa qorshe kasta oo uu Liverpool ku joojin karo.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka France ayaa soo bandhigay laba shaxood oo ay suurtogal tahay in mid ka mid ah uu Thomas Tuchel ku soo shirtagi karo kulanka Liverpool kuwaas oo aanu halkan idiinku soo gudbinayno.

Aan ku bilawnee shaxda kowaad ee ay macquulka tahay in Thomas Tuchel uu kulanka Liverpool la soo shirtago oo ay shaaciyeen wargaysyada RMC iyo LP ayaa ah mid isbadalo layaablehi ka muuqdaan iyada oo Thilo Kehrer uu difaaca midig ku soo bilaaban karo isla markaana Marquinhos waxaana shaxdan kaydka ku jiri doona Adrien Rabiot iyo Thomas Meunier.

Shaxda Macquulka Ah Ee Thomas Tuchel uu Ku Soo Shirtagi Karo Kulanka Liverpool ee sida ay baahiyeen warbaahinta France ee RMC/LP:  Buffon – Kehrer, Silva, Kimpembe, Bernat – Verratti, Marquinhos, Di Maria – Mbappé, Neymar, Cavani.

Laakiin warar kale oo soo baxaya ayaa sheegay in shaxda ugu macquulsan ee Thomas Tuchel uu ku shaqayn doono kulanka habeen danbe ee LIverpool ay tahay mid ka koobnaan doona 3 difaac ah, 4 khadka dhexe ah iyo 3 weerar ah taas oo u qaabaysan sidan hoose:

PSG (3-4-3): Buffon – Silva, Marquinhos, Kimpembe – Kehrer, Di Maria, Verratti, Bernat – Mbappé, Neymar, Cavani.

Laakiin wax walba waxay si buxuda ugu tiirsanaan doonaan xaalada dhabta ah ee Neymar Jr iyo Mbappe oo ka soo kabsanaya dhaawacyo soo gaadhay taas oo haddii ay taam noqdaan ay PSG ku soo shirtagi doonto shaxda 3-4-3.