LA OGAADAY: Labada Kooxood Ee Ay Ciyaartoyda Barcelona Doonayaan In Lagu Aadiyo Champions League Oo La Ogaaday Iyo Kooxaha Ayna Doonayn In Ay Siddeed Dhamaadka UCL Isku Aarkaan.

Marka la sugayo isku aadka tartanka UEFA Champions league waxay taageerayaasha, ciyaartoyda iyo waliba tababarayaasha kooxaha kubbada cagtu door bidaan in ay kooxo gaar ah lagu aadiyo inkasta oo wax walba uu nasiib iyo qori tuurka ka soo bixi doono, laakiin waxaa la ogaaday aragtida qolka labiska kooxda Barcelona iyo laba kooxood oo ay doonayaan in lagu aadiyo siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Waxa kale oo la ogaday kooxaha ayna jeclayn in lagu aadiyo wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions league waxaana la filayaa in koox kasta oo siddeed dhamaadka u soo baxday ay leedahay aragti iyo kooxo ay doonayaan in ay ka dheeraadaan.

Wargayska AS ee dalka Spain ka soo baxa ayaa xog ka helay qolka labiska kooxda Barcelona wuxuuna shaaciyay in ay ciyaartoyda Barca ay door bidayaan in lagu aadiyo midkood kooxda FC Porto ama Manchester United.

Waxaana la sheegay in kooxaha ay Barcelona ugu walwalka badan tahay yihiin kooxaha Juventus, Man City, iyo Liverpool inkasta oo ay xataa u arkaan in kooxaha Ajax iyo Tottenham ay ka xoogan yihiin FC Porto iyo Man United oo ay u doorteen labada kooxood ay jeclaan lahaayeen in lagu aadiyo.

Arinta kale ee xiisaha badan ayaa ah in xogan lagu sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ay jecel yihiin in laysku aadiyo kooxaha Man City iyo Juventus maadaama oo ay u karaan kooxaha waqti xaadirkan ugu awooda badan ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league ku jira.

Sida la qiyaasi karo dhamaan kooxaha waa wayn ee siddeed dhamaadka UEFA Champions League u soo baxay ayaa wada doonaya in lagu aadiyo kooxda FC Porto oo loo arko kooxda ugu heerka hoosaysa waxaana inta badan kala cabsanaya kooxaha Barcelona, Liverpool, Juventus, Man United iyo Man City oo loo arko kooxaha ugu cad cad ee koobkan loo saadaalinayo.

In Ciyaartoyda Barcelona ayna doonayn in lagu aadiyo kooxaha Juventus, Man City, Liverpool iyo xataa Ajax waxay muujinaysaa in ay aaminsan yihiin in Man United iyo FC Porto ay yihiin laba kooxood oo ay xal fiican u heli karaan in ay ku soo dhaafi karaan siddeed dhamaadka.

Laakiin barri jimcaha ayaa si rasmi ah loo ogaan doonaa halka ay u wareegi doonto giraanta UEFA Champions league iyo dariiqa loo mari doono caasimada Madrid ee lagu qaban doono finalka tartanka kooxaha Yurub ee UCL.