LA OGAADAY: Kooxdii Ay PSG Ku Qososhay Nooca Dalabkii Ay Neymar JR Kasoo Gudbisay Oo La Ogaaday – Barcelona, Real Madrid Mise ?

Waxa maalmo kahor ugu yaraan qaboobay warkii ay dunida kubadda cagtu daalka ka qaaday ee la xidhiidhay heshiiskii uu Neymar doonayay inuu Paris Saint-Germain kaga soo baxo iyadoo lala xidhiidhinayay kooxo dhawr ah.

Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ayaa ahaa saddexda kooxood ee aadka u doonayay saxeexa 27 jirkan balse kooxda baahida ugu badan muujisay ee inta ugu badan miiska wada xaajoodka la tagtay Paris ayaa ahayd Barca.

Iyadoo saddexdaas kooxood ay kusoo dagaalameen saxeexa Neymar haddana kooxda uu dalabkeedu sida cad uga hooseeyay dalabaadka PSG ayaa ahayd kooxda ree Talyaani ee Juventus.

Sida lagu sheegay BBC Sport, Juventus ayaa Paris Saint-Germain u gudbisay dalab ka koobnaa 100 Milyan oo lagu daray Paulo Dybala kaas oo noqday dalab ka qosliyay Paris oo dalabaad ka waaweyn ku diiday Barcelona iyo Madrid.

Il wareedkan ayaa intaas ku daraya in PSG aysan dalabkaas ka yimid Juventus xataa ku darsanin liiska dalabaadka ay tix-gelinta iyo qiimaynta ku samayn doonto.

Dalabka kaliya ee ay Paris ku qanacsanayd ayaa lagu sheegay midkii ay Barcelona ka doonaysay ee ka koobnaa 125-ka Milyan ee lagu daray Ousmane Dembele oo amaah ah, Todibo iyo Ivan Rakitic balse Dembele ayaa heshiiskaasna laf dhuun gashay ku noqday.

Dembele oo dhawr wicitaan ka helay tababaraha Paris ee Thomas Tuchel ayaa iska diiday inuu qayb ka noqdo heshiiska uu Neymar ugu soo laaban lahaa Camp Nou.