LA OGAADAY: Kooxda PSG Oo Qorsheynaysa In Ay Barcelona Isdhaafsadaan Philippe Coutinho & Kylian Mbappe Si Neymar Jr Farxad Loogu Abuuro Paris.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa qorsheynaysa in ay dib ugu laabto Camp Nou isla markaana ay maamulka Barcelona kala xaajooto suurtogalnimada ay isku dhaafsan karaan Philippe Coutinho iyo Kylian Mbappe iyada oo ujeedada qorshahani uu yahay sidii ay maamulka PSG farxad ugu abuuri lahaayeen Neymar Jr.

Xog cusub oo uu helay wargayska Spain ka soo baxa ee El Pais ayaa lagu faah faahiyay qorshaha PSG iyo sababta ka danbaysa ee keentay in ay ka fikiraan suurtogalnimada ay Coutinho iyo Mbappe ay Barcelona isku dhaafsan karaan dhamaadka xili ciyaareedkan.

Wargayska El Pais oo ilwareed gaar ah xogtan ka helay ayaa sheegay in Neymar Jr aanu ku faraxsanayn Mbappe isla markaana uu ka masayrsan yahay taas oo la sheegay in markii hore ay kooxda dhexdeeda wareegaysay balse ay ugu danbayn gaadhay madax waynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi.

Ilwareed aad ugu dhaw kooxda ree France ayaa wargayska El Pais u sheegtay in maamulka PSG ay ka fikirayaan qaabkii Neymar jr farxad loogu abuuri lahaa si uu kooxda ugu sii nagaado laakiin xubin ka tirsan shaqaalaha PSG ayaa El Pais u sheegay in Barcelona loo soo bandhigayo Mbappe xagaaga soo socda si ay badalkiisa u helaan Coutinho.

Neymar Jr ayaa Coutinho ku tilmaamay ‘Walaalkiis’ iyada oo ay la ogaa qaabkii uu u doonayay in uu PSG kula biiro ka hor intii aanu Liverpool ka soo bixin laakiin sida xogtan lagu shaaciyay, madax waynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa fikradan soo dhaweeyay isaga oo heli taanka Coutinho u arka in ay damaanad qaadi karto in Neymar uu kooxdiisa sii joogi karo isla markaana uu Real Madrid ka ceshan karo.

Wargayska El Pais oo faah faahin dheeraad ah ka bixinaya xaaladan ayaa shaaca ka qaaday in laba qof oo PSG ahi ay xogtan siiyeen oo kala ah hal shaqsi oo PSG ka hawl gala isla markaana xarunta tababarka qayb ka ah iyo ciyaartoy kooxda kowaad si joogto ah uga ciyaara.

Ugu danbayn waxaa warkan lagu sheegay in Mbappe laftiisu noqday qofkii ugu danbeeyay ee dareemay sida uu Neymar Jr uga masayrsan yahay iyo isla waynida ku jirta xidiga ree Brazil. Inkasta oo uu Neymar u muuqday mid Mbappe ka soo dhawaystay Cavani oo markiiba colaadi dhex martay, ayay hadda u muuqataa in aanu isaga laftiisa ku faraxsanayn.

Si kastaba ha ahaatee, Nasser Al-Khelaifi iyo maamulka kooxdiisa PSG ayaa diyaar u ah in ay sameeyaan wax walba oo ay xidiga aduunka ugu qaalisan ugu sii hayn karaan kooxdooda sanado badan iyaga oo raadin doona suurtogalnimo kasta oo ay farxadiisa uga shaqayn karaan.