LA OGAADAY: Kaddib Saxeexii Eder Militao Ee Shalay, Xiddiga Xiga Ee Uu Zinadine Zidane Ka Doonayo Real Madrid Oo La Ogaaday.

Tababaraha ree France ee Zinadine Zidane ayaa si rasmi ah ugu soo laabtay kooxda Real Madrid habeenimadii Isniinta waxaana ay intaa kaddib dhammaystireen saxeexa daafaca kooxda FC Porto ee Eder Militao.

Militao oo wax ka yar hal sano kahor Porto kaga soo biiray dhinaca kooxda Sao Paolo ayaa si cajiib ah uga soo hilaacay horyaalka Portugal waxaana uu shaqsi muhiim ah ka ahaa soo gaadhista kooxdiisa ee wareega siddeed dhammaadka Champions League.

Militao ayaa loo arkaa bedelka mudada dheer ee kabtan Sergio Ramos sidoo kale waxa uu imaatinkiisu la micno yahay in da’yarka Jesus Vallejo uu ka bixi doono Beranbeu.

Haddaba, Real ayaa la filayaa inay safka kooxdeeda si weyn u cusboonaysiiso bilaha soo socda iyadoo xiddigo badan oo waaweyn lala xidhiidhinayo inay albaabka ka baxaan.

Zizou ayaa kaddib saxeexa Militao haatan isha ku haya kabtanka kooxda Lyon ee Nabil Fekir kaas oo uu ka doonayo inay Real u keento kooxda.

Sida laga soo xiganayo wariye Duncan Castles oo u warramay Daily Record, Zidane ayaa weydiistay maamulka kooxda inay ula soo saxeexaan ninkan ay isku dhalashada yihiin.

Fekir ayuu heshiiskiisa kaliya ka hadhsan yahay hal sano waxaana macquul ah in Lyon ay iibiso suuqa xagaaga si ay uga fogaato inay qaab xor ah ku waayaan.

Los Blancos ayaa sidoo kale ka shaqaynaya inay lasoo saxeexdaan hoggaamiyaha PSG ee Neymar kaas oo uu saxeexiisa iyo midka Militao wada ansixiyay Zidane.