LA OGAADAY: Kabtanka Kooxda Shakhtar Donetsk Ee Darijo Srna Oo Shaaciyay In Xidiga Kooxdiisa Fred Uu Ku Biirayo Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ree Manchester.

Kabtanka kooxda Shakhtar Donetsk ee Darijo Srna ayaa dab ku sii shiday tartankii kooxaha Manchester City iyo Manchester United ee xidiga ay isku kooxda yihiin ee Fred wuxuuna sheegay in xidiga ree Brazil uu hadda ku sii jeedo magaalada Manchester laakiin United mise City ayuu ku biiri doonaa?.

Labada tababare ee Pep Guardiola iyo Jose Mourinho ayaa tan iyo bishii January doonayay saxiixa Fred iyada oo Mourinho uu xidigan u arko badalka waqtiga dheer ee kabtanka kooxdiisa Michael Carrick kaas oo kulanka Watford ee Old Traford uu noqon doono kulanka uu Reds Devils macasalaamayn doono.

Laakiin Guardiola ayaa sidoo kale doonaya in Fred uu noqdo badalka tooska ah ee Fernandinho mustaqbalka iyada oo horeba Fred uu u ahaa badalkii tooska ahaa ee Fernandinho waxaana sidoo kale Mourinho in uu xidigan si wayn u doonayo ku riixaysa in Marouane Fellaini uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixa Man United.

Iyada oo marka horeba ay kooxaha Manchester ku dagaalamayeen saxiixa Fred ayuu kabtanka Shakhtar ee Darijo Srna uu isaga oo arintan ka hadlaya yidhi: ” Hadda Fred waxa uu tagayaa Manchester, ma kala ogi haddii ay City tahay ama United. Aan ogaano”.
Halka arin ee uu Darijo Srna xaqiijiyay ayaa ah in Fred uu ku biiri doono mid ka mid ah kooxaha ree Manchester iyada oo xidigan lagu qiimaynayo 50 milyan oo euros laakiin bishii January waxa uu heshiis la gaadhay kooxda Man City oo markaas si wayn ugu horaysay in ay saxiixa xidigan hesho.

Dhinaca kale Sergei Palkin oo ka mid ah madaxda kooxda Shakhtar ayaa isna sii kululeeyay tartanka kooxaha ree Manchester isaga oo sii huriyay xifiltanka ay United iyo City ugu jiraan Fred wuxuuna yidhi: “Fred waxa uu bixi doonaa June, haddii ayna Manchester City noqon, kadib waxay noqon doontaa Manchester United”.
Haddii laysku daro hadalada Sergei Palkin iyo kabtanka kooxdiisa Skhtar ee Srna waxay labaduba soo horaysiiyeen magaca Manchester City iyada oo taas laga fahmi karo in doorashada kowaad uu ka dhigtay Man City balse haddii kale uu United ku biiri doono.