LA OGAADAY: Heshiis Khaas Ah Oo Dhex Maray Kooxaha Barcelona & Liverpool Oo La Ogaaday Kadib La Wareegistii Coutinho Barca.

Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa dagaal adag ku soo galay heshiiskii uu Philippe Coutinho ugu biiray Camp Nou horaantii sanadkan 2018 laakiin waxaa la ogaaday in uu jiro heshiis khaas ah oo dhex maray maamulkada kooxaha Liverpool iyo Barcelona kaas oo la xidhiidha ciyaartoyda ay Barca kala wareegi karto Reds.

Idaacada dalka Spain ee  Cadena Ser ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Liverpool ay Barceona ka saxiixday heshiis xadidaya muddada ay ciyaartoy kale ka soo dalbadan karto kaas oo ay Reds ku joojisay xiisihii Barcelona ee ciyaartoyda Anfield muhiimka ka ah.

Kadib markii ay Liverpool ogolaatay in Philippe Coutinho uu 160 milyan euros ugu biiro Camp Nou waxay Barcelona ku xidhay shuruud heshiis oo ah in muddo saddex xili ciyaareed ah ayna soo dalban karin ciyaartoy kooxdeeda  Reds ka tirsan.

Haddii ay Barcelona soo dalbato ciyaartoy Liverpool ah saddexda xili ciyaareed ee soo socda waxaa waajib ku noqonaysa in marka hore Liverpool ay aqbasho in ciyaartoy kooxdeeda ahi uu ku biiri karo Barcelon balse haddii ayna Liverpool raali ka ahayn in Barca ayna u soo dhawaan karin xidigaha Reds.

Inta xili ciyaareedkan ka hadhsan iyo waliba labada xili ciyaareed ee soo socda ayayna Barcelona la soo saxiixan karin ciyaartoy Liverpool ka tirsan marka laga reebo in Liverpool ay diyaar u tahay in ay iibiso xidig kooxdeeda ka tirsan oo ay Barcelona iyaduna dalban karto.

Kadib dagaal xoogan oo laba xili suuq dhex maray kooxaha Barcelona iyo Liverpool waxay ugu danbayn Reds ogolaatay in Coutinho uu bishii January 6,2018 uu lacag rekoodh ah ugu biiray Barcelona isaga oo markaas saxiixay qandaraas dhacaya 2023 kaas oo lagu burburin karo 400 milyan euros.

Laakiin kooxaha Premier League ayaan heshiisyada ciyaartoyda kooxahooda ku darin qodob lagu burburin karo maadama oo kooxaha Spain lagu qasbo in ciyaartoyda la siiyo fursad ay ku bixi karaan haddii la burburiyo lacagta heshiiskooda lagu kansali karo.

Kadib markii ay Liverpool iska diiday in Barcelona ay wax wada xaajood ah la yeelato xagaagii 2017 waxa uu Klopp xidiga reer Brazil ee Coutinho ku qasbay in uu kooxda sii joogo balse markii la ogaaday in Coutinho uu baxo waxaa Barca laga saxiixay in muddo saddex xili ciyaareed ah ayna la wareegi karin ciyaartoyda Liverpool haddii ayna Reds diyaar u ahayn in ay iska iibiso.