LA OGAADAY: Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ee Uu Ousmane Dembele Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Barcelona Oo La Ogaaday, Miyay Arsenal & Liverpool Fursad Haystaan?

Waxa si hoose loo ogaaday go’aanka uu da’yarka xulka France iyo kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ka gaadhay mustaqbalkiisa, Da’yarkan ayuu mustaqbalkiisu cirka ku shareernaa mudadii uu furnaa suuqa kala iibsigu isaga oo si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxo kala duwan haba ugu horreeyaan kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Arsenal.

Ousmane Dembele ayaa xagaagii hore lacag 130 Milyan ah ugu soo biiray Blaugrana balse waxa uu daris la noqday dhaawacyo joogto ah taas oo sababtay inuu waayo codka kalsoonida ee tababare Ernesto Valverde, Imaatinka kooxda ee Malcom oo ah xiddig ay isku ciyaar yihiin Dembele ayaa la filayaa inay xiddiga xaalada kusii xumayn doonto.

Wargeysyada ka faalooda kubadda cagta gaar ahaan kuwa kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa maalmihii ugu dambeeyay warar xan ah oo sheegayay in kooxda ree London ee Arsenal ay Barcelona u diyaarisay dalab 89 Milyan ah oo ay Dembele kaga doonayso.

Haddaba, Ousmane Dembele ayaa la fahamsan yahay inuu go’aan ku gaadhay inuu iska sii joogo kooxdiisa isla markaana uu sanad kale ku qaato Camp Nou si uu isku muujiyo, Go’aanka da’yarkan ayaa la sheegayaa inuu yimid kaddib markii uu la xaajooday madaxweynaha kooxda ee Josep Maria Bartomeu.

Si kastaba ha ahaatee, Warkan ayaa ah mid soo koobaya rajadii ay qabeen kooxaha Arsenal iyo Liverpool gaar ahaan xiisiihii Gunners maadaama oo ay wali suuqa ugu jiraan xiddig badal buuxa u noqda Alexis Sanchez oo ku biiray Manchester United.