LA OGAADAY: David De Gea Oo Aaminsan In Eedaynta Xulka Qarannkiisa Spain Ay Ka Danbayso In Uu Man United U Ciyaarayo.

Goolhayaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa eedayn badan la kulmayay tan iyo markii uu bandhig liita ku soo sameeyay koobkii aduunka ee Russia 2018 waxaana soo baxay war shaaciyay aragtida De Gea ee waxa uu ka aaminsan yahay eedaynta lagu gaar yeelay ee uu la soo kulmayay.

David De Gea ayaa aaminsan in sababta eedaynta badan loogu soo jeediyay ay tahay in uu ka ciyaarayo Premier league gaar ahaan Manchester United balse aanu eedayn tan oo kale la kulmeen haddii uu ka ciyaarayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Ilwareed ayaa ESPN u sheegay in De Gea uu aaminsan yahay in ka ciyaarista kooxda Manchester United ay sabab u tahay in isaga lagu gaar yeelo eedaymaha xulka qarankiisa Spain wuxuuna De Gea aaminsan yahay in eedaynta uu xulkiisa kala kulmay ay tahay mid ixtiraam daro ah.

Laakiin ilwareedka ayaa xaqiijiyay in goolhaye David De Gea aanu eedayntan uga dhaqaaqi doonin waajibaadka xulka qarankiisa inkasta oo ay si cad u muuqato in uu aad uga xun yahay in eedaynta ugu badan dusha loo saarayo.

Qoraalka xogtan lagu bixiyay ayaa lagu yidhi: “De Gea oo ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa United ee afar ka mid ah shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay waxa uu aaminsan yahay in si cadaalad darro ah loo bartilmaameedsaday halka il wareed ay ESPN FC u sheegtay, in isagu aaminsan yahay in si xun loola dhaqmay sababtoo ah in uu ka ciyaaro Premier league oo aanu u ciyaarin Real Madrid ama Barcelona ee La Liga”.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu cadeeyay: “In kasta oo aanu aanu faraxsanayn ee waxa uu isagu aaminsan yahay oo ah ‘Ixtiraam daro’, waxay il wareedku ESPN FC u sheegtay in De Gea aanu ka dhaqaaqi doonin kubbada cagta caalamiga ah waxaana ka go’an in uu sii ilaashado booksiisa tartanka qaramada Yurub ee 2020”.

David De Gea ayaa loo diwaan galiyay goolhayihii ugu xumaa koobkii aduunka ee Russia 2018 laakiin waxa uu wali sii waday in uu qaladaad badan ka sameeyo xulkiisa Spain taas oo keentay in xataa laga fikiro in Iker Casillas dib loogu soo celiyo xulkiisa La Roja.