LA OGAADAY: Afartii Erey Ee Uu Sir Alex Ferguson Ku Yiri Solskjaer Ka Dib Guuldaradii Man United Ka Soo Gaartay Cardiff City

Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay Ole Gunnar Solskjaer waxa ay la tahay guuldaradii Manchester United ka soo gaartay Cardiff City kulankoodii ugu danbeeyay xilli ciyaareedka Premier League ee ka dhacay Old Trafford.

Manchester United ayaa waxaa soo maray xilli ciyaareed aad u xun iyagoo ku hungoobay inay u soo baxaan Champions league xilli ciyaareedka danbe.

Waxa ay ku dhameysteen kaalinta lixaad iyadoo Solskjaer uu hogaaminayo, waxaana ay Red Devils ka ciyaari doontaa Europa League.

United ayaa ku qasbaneyd inay daawato labada kooxood ee ay aadka u xafiiltamaan ee Liverpool iyo Manchester City oo ku tartamaya hanashada Premier League iyadoo kooxda Pep Guardiola ay aaqirkii horyaalka qaaday.

Fashilkii Solskjaer ku wajahay Old Trafford waxaa gabagabo u aheyd guuldaradii 2-0 ee isbuucii la soo dhaafay ka soo gaartay Cardiff taasoo daah xir u aheyd xilli ciyaareedka horyaalka Ingariiska.

Sir Alex Ferguson ayaan la dhicin ciyaartaas ka dib markii United ay guuldarro lama filaan ah soo gaartay.

Tababarihii hore ee kooxda ayaa lagu sawiray isagoo la hadlaya Solskjaer ka dib ciyaarta iyadoo Mike Phelan uu sidoo kale la joogay.

Sida ay sheegtay warbaahinta Hungary ee Nemzeti Sport, Ferguson ayaa u jeestay Solskjaer kuna yiri: “turned to Solskjaer and said: “Wiilkeygiyow! maxay taasi aheyd?!” isagoo kala jeeda qaabka ciyaareedka ay United soo bandhigtay.

Ferguson, Solskjaer iyo Phelan ayaa lagu sawiray iyagoo qamri isla cabaya ka dib guuldaradii Cardiff City.

Maxada maamulka United Ed Woodward ayaa xaqiijiyay in tababare Solskjaer lagu taageeri doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagan.