LA OGAADAY: Afar Tababare Oo Midkood Noqon Doono Tababaraha Xulka Qaranka Spain

Muddo kooban kaddib markii uu madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Spain shaqadaa ka caydhiyey tababare Julen Lopetegui, waxa markiiba soo baxay tababareyaasha suurtogalka ah ee wakhtigan xaasaasiga ah hoggaamin kara xulka Spain.

Warbaahinta Spain ayaa soo taxay liis tababareyaal aan sumcad badan ku lahayn dunida oo xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi doonayo in midkood uu hoggaamiyo xulka inta uu socdo Koobka Adduunka oo Khamiista ka furmaya waddanka Ruushka.

 

Saddex tababare ayaa ay saxaafadda sida dhow ugu dhuun-daloosha ciyaaraha Spain sheegeen in magacyadoodu miiska saaran yihiin, kuwaas oo uu ugu horreeyo macallinkii kooxda da’yarta Spain ee Albert Celades oo warbaahinta badankeedu isku waafaqsan yihiin inuu la wareegayo xilka maanta laga tiriyey Lopetegui.

Albert Celades oo ka mid ahaa xulkii qaranka Spain ee 1998 oo uu laba kulan saftay tartankaas uu Faransiisku ku guuleystay, ayaa sida la filayo kaga horreeya labada macallin ee kale shaqadan, waxaase warkiisa rasmiga ah uu soo bixi doonaa saacadaha soo socda.

Tababaraha labaad ee magaciisu hos yaallo xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF, tababaraha caanka ah ee guulaha badan u horseeday Spain ee Vincent Del Bosque, kaas sannadkii 2016 ka tegay xulka markii uu hawlgab noqday, hase yeeshee, warbaahinta ayaa ku warramaysa in marka la eego khibraddiisa iyo sumcadda uu leeyahay uu guul u horseedi karo Spain koobka adduunka ee maalin kaddib bilaabmaya.

Inkasta oo aanu dadka aadka loo filayo ku jirin, haddana Del Bosque, waxa uu yahay shakhsi kalsooni ka haysta dhamaan ciyaartoyga xulka.

Qofka saddexaad ee lala xidhiidhinayo inuu qabanayo shaqadan waa Quique Setien oo ah macallinka kooxda kubadda cagta Real Betis, kaas oo marar hore lala xidhiidhiyey in xidhiidhku magacaabayo.

Intii aan xulka Spain loo dhiibin Lopetegui, dadka aadka loo hadal hayey waxa ugu horreeyey Quique Seties, fursaddii markaas seegtayna hadda ayay usoo noqon kartaa.

Tababaraha afraad ee la filayo inuu ka mid noqdo ragga shaqadan qabanaya waa Fernando Hierro oo hore difaaca iyo khadka dhexe uga ciyaari jiray Real Madrid, wakhtigana gacan yare u ahaa Lopetegui.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in xidhiidhka kubadda cagta Spain uu si rasmi ah ugu dhowaaqo tababaraha cusub ee u hoggaaminaya koobka Adduunka