Kylian Mbappé Oo Si Cad U Sheegay In Xidiga Kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann Uu Yahay Hogaamiyaha Xulka Qaranka France.

Weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappé ayaa wuxuu shaaca ka qaday in saaxiibkiis kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann uu ahaa hogaamiyaha xulka France tan iyo koobkii Euro 2016.

Antoine Griezmann ayaa bandhig cajiib ah kasoo sameeyay xulkiisa qaranka France sanooyinkii lasoo dhaafay, gaar ahaan tartankii Euro 2016 ee ka dhacay dalka France,kadib markii uu dhaliyay 6 gool, waxaana sidoo kale loo caleemo saaray gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka”.

Xulka qaranka France ayaa wuxuu qeyb ka yahay xulalka ugu cad cad ee uu ku guuleysan kara koobka aduunka 2018, kaasoo maanta ka daah furmi doona dalka Russia maanta oo khamiisa ah, waxaana lagu daah furi doonaa marti galiyaasha Russia iyo Saudi Arabia.

Hadaba Kylian Mbappé ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay shabakada “Gul” wuxuu kaga hadlay suurtagalnimada uu Antoine Griezmann ugu hogaamin karo xulkiisa qaranka France koob weyn ee caalami ah sida koobka aduunka oo kale.

Weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappé: “Waxaan qabaa inuu ahaa hogaamiyaha France tan iyo koobkii ugu dambeeyay ee qaramada Yurub”.

Xidiga PSG ayaa wuxuu sidoo kale yiri: “Marka uu kusoo idlaado koobka qaramada Yurub adigoo ah gooldhaliyaha ugu sareeya, waxay ka dhigan tahay in caalamka oo idil aad u muujisay inta ay la egtahay awoodaada ciyaareed, iyo sida aad xulkaaga ugu hogaamin karto ku guuleysiga koobab”.

Kylian Mbappé ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Antoine Griezmann waa ciyaaryahan muhiim inoo ah, waa hadii aan dooneyno inaan ku guuleysano tartankan”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in xulka qaranka France uu qeyb ka yahay Group 3-aad oo ay ku wehliyaan xulalka Peru, Denmark iyo Australia, iyagoo kulankooda ugu horeeya ay kaga daah furan doonaan Australia 16-ka bishan June.