Kylian Mbappe Oo Da’da 20 Jir Sida Ciyaartoy Weyn Ugu Xisaabtamaya & SADDEX Shuruudood Oo Uu Hordhigay PSG Haddii Ay Doonayaan Inuusan Real Madrid U Wareegin.

Kylian Mbappe ayaa ah kaliya 20 sano jir balse haatanba gaadhay waxyaabo aysan ciyaartoyda qaar gaadhin waayahooda ciyaareed oo dhan.

Mbappe ayaa kusoo guuleystay koobkii aduunka ee 2018 isaga oo afar gool kasoo dhaliyay tartankaas isaga oo sidoo kale saddex jeer oo xidhiidh ah kusoo guuleystay horyaalka France ee Ligue 1.

Mbappe ayaa xilli ciyaareedkan wacdarro kusoo dhigay PSG waxaana uu 46 gool kusoo dhaliyay 56 kulan xilli ciyaareedkan hadana sidaas oo ay tahay  maaha ciyaartoyga ugu muhiimsan wali Paris.

Neymar oo Paris Saint-Germain ku jooga €222 Milyan ayaa wali ah hoggaanka kooxda walow uu Mbappe kaga awood batay dhinaca garoonka dhexdiisa haata.

SIDOO KALE AKHRISO:  AKHRISO Oo Ha Yaabin: Toddobaadkan Oo Kale 30 Sano Kahor Waa Horyaalkii Ugu Dambeeyay Ee Liverpool - Dunida Oo Bilaa Internet Ahayd, Taleefanada Gacanta Oo Jeebka Ka Weynaa, Rekoodhkii Suuqa Ee Lixda Milyan Ahaa & Qoddobo Kale.

Si kastaba, Mbappe ayaa haatan u xisaabtamaya sidii ciyaartoy da’ ahaan weyn isaga oo ak fikiraya mustaqbalkiisa isla markaana saddex qoddob oo waaweyn hordhigay PSG si ay uga ceshadaan Real Madrid oo doonaysa.

Sida laga soo xigtay wariye Duncan Castles oo ka hawl gala Sunday Times, Mbappe ayaa doonaya in laga dheelsiiyo booska weeraryahanka dhexe, Laga dhigo midka tuuraya rigoorayaasha sidoo kalena iyo waliba inay kooxdu ku ciyaarto shaxda 4-4-2.

Castles ayaa yidhi “Mbappe waxa uu aaminsan yahay inuu dhaafay Neymar marka ay noqoto muhiim ka ahaanshaha PSG, Wuxuu doonayaa in loo balan qaado inuu u ciyaaro ka weeraryahan dhexe ahaan isaga oo ka horreynaya Cavani iyo Neymar kaas oo aan inta badan isagu halkaas ka ciyaarin, Booskaas naftiisa ayuu u doonayaa”

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Akhriso Liiska Heshiisyadii La Dhamaystiray Maalinta Suuqa England Ugu Danbaysay Iyo Xidigaha Lala Kala Wareegay.

“Waxa uu doonayaa inuu qaato rigoorayaasha, Waxa uu ku dhawaa inuu ku guuleysto kabta dahabka ah xilli ciyaareedkii hore waxa uu dareensan yahay haddii loo ogolaan lahaa inuu ku qaato rigoorayaasha uu ku guuleysan lahaa abaalmarintaas”

“Sidoo kale waxa uu doonayaa inuu la bedelo shaxda PSG waxa uu doonayaa inuu u ciyaaro ka lambar 9 ahaan shaxda 4-4-2”