Kylian Mbappe Mise Erling Haaland? Xiddiga Ay Real Madrid Xiisaha Dhabta Ah U Qabto Xagaaga Ee Ay U Aragto Bedelkii Ronaldo Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay xiisaynayso da’yarka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland oo ay u arkaan bedelka weeraryahankii hoggaanka u ahaa safkooda hore ee Cristiano Ronaldo oo ka baxay xagaagii 2018.

Sida uu sheegay wargeyska ree Spain ee Marca, Real Madrid ayaa la xidhiidhay Dortmund waxaana ay wax ka weydiiyeen arrimaha Haaland iyo suurogalnimada ay heshiiskiisa ugu dhaqaaqi karaan.

Erling ayaa xilli ciyaareedkan wacdarro dhigaya waxaana uu 12 gool kusoo dhaliyay 8 kulan oo uu matalay Borussia halka uu guud ahaan xilli ciyaareedkan 40 gool saxeexay maadaama oo uu 28 gool hore ugu lahaa kooxdiisii RB Salzburg.

Marca ayaa intaas ku daraya in Haaland ay si dhab ah u doonayso Real oo uu noqon doono bar-tilmaameedkooda koowaad ee suuqa xagaaga.

Madrid ayaa weydiisatay Dortmund inay usoo sheegaan isla marka ay koox kale wax dalab ah kasoo gudbiso Haaland si ay iyaguna dalabkooda usoo bar-bardhigaan.

Intaas waxa dheer in kooxda caasimada Spain ay haysato hub kale oo ay ugu dagaalami karto saxeexa Haaland waana inay heshiis qabsooma ku fududeeyaan Achraf Hakimi oo haatan amaah ugaga maqan Dortmund si fiicana ula qabsaday kooxdaas.

Tan iyo bixitaankii Cristiano Ronaldo, Real Madrid ayaa u xiistay 40 ilaa 50-kii gool ee uu xilli ciyaareedkii u dhalin jiray, Waxa ay 60 Milyan kasoo bixiyeen Luka Jovic balse da’yarkaas ayaan wali fursad buuxda ka helin Zinadine Zidane.