Kylain Mbappe Oo Meel Iska Saaray Isbarbar Dhigii Marcus Rashford, Muuqaalka Bandhigiisii Old Trafford -Maxayse Tahay Sababta Uu Lyon U Taageeri Doono Kulanka Barcelona?

Da’yarka xulka qaranka France iyo kooxda PSG ee Kylain Mbappe ayaa qabsaday baraha bulshada iyo saxaafada caalamka kadib markii uu bandhig cajiib ah kala soo muuqday kulankii xalay ee ay kooxdiisu guusha muhiimka ah Old Trafford kaga soo gaadhay Manchester United.

Kylain Mbappe ayaa muujiyay in aanu jirin ciyaartoy qayrkiisa ah oo ka soo agdhawaan karaa balse taas badalkeeda waxa uu xalay soo qabtay halyayo kubbada cagta caan ka ah kuwaas oo ku ceebeeyay gool dhalintiisa Champions league ee layaabka leh.

Kylain Mbappe ayaa soo barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta abid ee Champions league ay ka soo sameeyeen Zinedine Zidane iyo halyaygii reer Brazil ee Ronaldo wuxuuna gool dhalintooda ku gaadhay markii uu saftay 24 kulan oo kaliya isla markaana uu wali yahay 20 sano jir kaliya.

Laakiin taageerayaasha Manchester United iyo kuwa xulka qaranka England ee Kylain Mbappe barbar dhigayay Marcus Rashford ayaa xalay ogaaday in Mbappe aanu ahayn xidig la barbar dhigi karo ciyaartoyda ay isku da’da yihiin balse uu xidiga reer France hadda hiigsanayo sidii uu ula tartami lahaa xidigaha ugu waa wayn ee Lionel Messi, Cristaino Ronaldo iyo Neymar Jr.

Wax qabadkii Kylain Mbappe ayaa muujiyay sida aanu u ahayn xidig nasiib ku meel mara balse uu yahay mid kartidiisa iyo hibadiisa ciyaareed meel sare ku gaadhay isla markaana ay adkaan karto ciyaartoy la tartami doona marka uu gaadho da’da kubbada cagta loogu fiican yahay.

Kylain Mbappe ayaa xalay Old Trafford ku dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa PSG wuxuuna ahaa goolkiisii 14 aad ee Champions League waana isla gool dhalintii Champions league ay ka soo sameeyeen Zidane iyo halyaygii reer Brazil ee Ronaldo kaas oo 20 kulan in ka badan inta Mbappe ku gaadhay gool dhalintan.

Dhinaca kale Kylain Mbappe ayaa cadeeyay in ay waajib ku tahay in ay soo taageeraan kooxda ay France ku xifiltamaan ee Lyon marka ay Barcelona ka hor imanayaan wuxuuna doonayaa in kubbada cagta horyaalka France ay ka baxdo cabsidii ay qabeen.

Kylain Mbappe ayaa yidhi: ” Waxaanu u baahanahay in ay dadku na taageeraan. Waxaanu todobaadka soo socda taageeri doonaa Lyon waxaana waajib ah in kubbada cagta Faransiisku ay tartanka koobka Yurub ku sii socoto inta ugu fog , waxaa waajib nagu ah in aanu joojino cabsashaada -waanu fiicanahay”.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka wax qabadkii Kylain Mbappe ee kulankii Man United ee Champions league