Waa Kuma Saxiixa Cusub Ee Real Madrid Ka Tirsan Ee Aan Lambar Cusub Ka Helin Kooxda Kowaad? Mustaqbalkiisa Oo Shaki Ku Jiro.

Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay lambarada ciyaartoyda kooxdeeda ee xili ciyaareedka cusub waxaana jira mid ka mid ah saxiixyadii cusbaa ee ay Los Blancos la soo wareegtay oo aan xataa wax lambar ah aan ka helin kooxda kowaad.

Da’yarka sida wayn loo qiimeeyo ee  Takefusa Kubo oo ay Real Madrid ka dul qaaday kooxda Barcelona oo hore ay FIFA ugu ganaaxday in ay isaga oo da’yar ah soo qaateen ayaa laga dhex waayay liiska ciyaartoyda Madrid ee uu Zidane ku shaqayn doono.

Takefusa Kubo oo amaah badan kala kulmay Zidane intii ay kulamada saaxiibtinimo socdeen ayaan wax lambar ah ka helin kooxda kowaad taas oo la micno ah in uu gabi ahaanba ka baxsan yahay qorshaha xili ciyaareedka cusub.

SIDOO KALE AKHRISO:  QIIMAYN: Liiska Tobanka Xidig Ee Sida Waalida Ah Loogu Iibsaday Qiimo Ayna Suuqa Ka Joogin-Imisa Ayaa Xagaagan Lagu Iibsaday Lacag Ayna Ku Qiimaysnayn?

Mustaqbalka  Takefusa Kubo ee kooxdiisa cusub ee Real Madrid ayaan wali go’aan laga gaadhin waxaana la filayaa in amaah lagu bin karo ama uu ka tirsanaan doono kooxda Real Madrid B ee Casilla loo yaqaan.

Iyada oo  Takefusa Kubo uu boos ka waayay lambarada kooxda kowaad ee Real Madrid, waxaa isagu boos helaya saxiixa cusub ee Rodrygo kaas oo ka faa’iidaysanaya Fede Valverde uu helay baasaaboorka Yurub iyada oo Rodrygo uu kooxda kowaad ka ciyaari doono.

Rodrygo ayaa haddaba u saftay kooxda Real Madrid B ee Casilla ee kulankii ay la ciyaareen Tenerife iyada oo kooxda da’yarta Madrid ay guul  3-0 ah gaadhay balse Rodrygo waxa uu qayb ka yahay kooxda kowaad.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Akhriso Liiska Heshiisyadii La Dhamaystiray Maalinta Suuqa England Ugu Danbaysay Iyo Xidigaha Lala Kala Wareegay.

Laakiin Takefusa Kubo ayaa helay dalab amaah ah oo ay ku doonayso kooxda Valladolid waxayna Madrid go’aan ka gaadhi doontaa haddii Kubo uu amaah ku bixi doono iyo haddii uu kooxda da’yarta  Madrid B uu ka ciyaari doono.