Kumuu Noqon Doonaa Saxeexa Ugu Horreeya Ee Ay Real Madrid Samayn Doonto? Wargeyska MARCA Oo Banaanka Keenay.

Wargeyska kasoo baxa dalka Spain gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Madrid ayaa daaha ka qaaday saxeexa ugu horreeya ee ay kooxda Real Madrid samayn doonto suuqyada soo socda.

Sida uu ku warramayo wargeysku, Da’yarka cajiibka ah ee kooxda Manchester City ee Brahim Diaz ayaa noqon doona saxeexa ugu horreeya ee Los Blancos xilli uu heshiiska da’yarkani kula joogo kooxda Premier League uu ku eegyahay xagaaga dambe.

Arrinta keentay in kooxda difaacanysa Champions League ay u dhaqaaqdo saxeexa xiddigan ree Spain ayaa ah inuu go’aan ku gaadhay inuusan heshiiska u cusboonaysiin Sky Blues.

City ayaa isku day ku samaysay inay Brahim ku qanciso inuu qandaraas cusub u saxeexo kooxda balse waxa ka go’an inuu iskaga dhaqaaqo taas oo ah mid albaabka u furaysa in Real ay laga bilaabo 1-da January kala hadasho fursada uu kooxdooda ugu soo dhaqaaqayo marka heshiiskiisu dhaco.

Diaz ayaa haddiiba uu diido inuu kordhiyo heshiiska uu kula joogo kooxda Pep Guardiola u dhaqaaqi doona Madrid suuqa xagaaga walow aan meesha laga saarin in ay labada kooxood kawada xaajoodaan suurogalnimada uu da’yarkani Real ku aadi karo January iyadoo qiimaha mid hoose laga dhigayo.

Brahim ayaa Man City ku biiray sanadkii 2014 markaas oo uu kaliya jiray 14 sano isaga oo kasoo hayaamay akaademiyada kooxda Malaga isla markaana ku dhawaaday inuu ku biiro Barcelona kahor heshiiska uu ku aaday PL.