Kumuu Ahaa Xidigii Ugu Soo Jiidashada Badnaa Tababarkii Ugu Horeeyay Ee Uu Zinedine Zidane Ku Bixiyay Dalka Canada?

Zinedine Zidane ayaa maanta tababarkii ugu horeeyay ee kooxdiisa Real Madrid ku bixiyay dalka Canada oo ay safarkooda xagaaga ka bilaabeen, waxaana jiray hal ciyaartoy oo ka soo jiidasho batay kuwa kale ee kooxda Madrid ka tirsanaa.

Tababarkii ugu horeeyay ee uu Zinedine Zidane ku bixiyay dalka Canada ayaan ahayn mid dad waynaha u furnaa laakiin waxaa saxaafada loo ogolaatay in ay tababarka ka dhex shaqaystaan 20 kii daqiiqo ee ugu horeeyay.

Waxa uu liiska ciyaartoyda uu Zinedine Zidane tababarka siinayay ka koobnaa 29 ciyaartoy waxaana ka mid ahaa inta ugu badan saxiixyadii badnaa ee ay maamulka Madrid xagaagan sameeyeen.

Haddii uu Eden Hazard ahaa xidiga ugu saamaynta badnaa uguna qaalisanaa suuqa xagaagan ee Real Madrid, haddana muu noqon shaqsiga ugu soo jiidashada badnaaday tababarkii ugu horeeyay ee ay Canada ku qaateen.

Da’yarka ay Real Madrid ka faro maroojisay Barcelona ee Takefuso Kubo ayaa noqday xidiga ugu soo jiidashada badnaaday tababarkii ugu horeeyay ee uu Zidane kooxdiisa ku siiyay ciida Canada.

15 wariye oo ka socda dalka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo da’yarka Takefuso Kubo ee Japan ayaa ka soo qayb galay tababarkii ugu horeeyay ee uu kooxda kowaad ee Real Madrid la qaatay, wuxuuna Kubo noqday xidiga ugu soo jiidashada badnaa ee sida wayn isha loogu hayay.

Takefuso Kubo ayaa hore u soo maray xarunta caanka ah ee La Masia markii uu Barcelona ka tirsanaa balse waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii Barcelona lagu ganaaxay ee qasabka kooxdeeda lagaga saaray.

Takefuso Kubo oo lagu naanayso Messi-ga Japan ayaa fursad u helay in uu markii ugu horaysay si buuxda tababar ugula shaqeeyay Zidane iyo kooxda kowaad ee Real Madrid.

Laakiin waxaa cajiib noqotay in tababarkii ugu horeeyay ee uu Takefuso Kubo la sameeyay kooxda Real Madrid uu soo jiitay 15 wariye oo dalkiisa Japan ka socday kuwaas oo u kuur galayay xaalada cusub ee uu wiilkoodu bilawday.

Real Madrid ayaa dalka Canada sii joogi doonta ilaa July 21 wuxuuna Zidane sii bixin doonaa tababaro badan ka hor inta ayna bilabaan kulamada IC Cupka ee kulamada xili ciyaareedka ka horeeya.

Eden Hazard, Luka Jogic iyo Mendy oo dhamanatood ku cusub Real Madrid ayaa tababarka qayb ka ahaa waxayna dhamaantood isku diyaarinayaan in ay markii ugu horaysay Madrid u ciyaaraan.